Waxaa maanta oo Isniin ah xisbi xaakimka Australia uu codka kalsoonid u qaaday Raysalwasaaraha Tony Abbot.
Tony Abbott oo hada ah guddoomiyaha xisbi Xaakimka ayaa loolan xoogan uga socdaa gudaha xisbigiisa, xubnaha kasoo horjeeda ayaa sidoo kale codsaday inuu xilka baneeyo kusimihiisa Juli Bishop oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Australia.
Raysalwasaare Abbot ayaa markii hore si weyn uga soo horjeeda in codka kalsoonida loo qaado maanta, balse mar danbe isbedalay. Xiisada ka dhextaagan xisbi xaakimka Australia ayaa imaaneysa xili taageerada xisbigaasi ay hoos usii dhaceyso, isla markaana ay isku khilaafsan yihiin dhanka miisaaniyada dalkaasi.
Codka ay xubnaha Xisbiga Liberalka u qaadeen Tony Abbot ayaa wuxuu taageero ka helay 60% xubnaha oo sheegay inay weli kalsooni ku qabaan hogaamiyahooda.
Horey ayey sadex Raysalwasaare oo ka horeeyey Abbot ka xilalkooda ku waayeen kadib markii kalsoonida lagala noqday intii aysan dhameysan wakhtigooda.