Madaxwaynaha JSL Waxaa Uu Isku Bedel Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Qaar Ka Mida Guddoomiye Yaasha Gobolada

Date:

Madaxwaynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamud Aadan waxaa uu habeenkii xalayto ku sameeyay Guddoomiye Yaasha Goboladda Dalka Qaarkod, Isku Bedel Magaacsabis Iyo Xil Ka Qaadis, Sidaasina waxaa lagu sheegay War Murtiyeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyadda JSL Oo nuqul Ka mid ah uu soo gaadhay Xafiiska waraka ee Warbaahinta Somalilandtoday, Kaasi oo U Dhignaa sidan.

Date: – 07/02/2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-2946/022015 uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                       Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:                Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;                                   

Markuu La Tashaday:           Madaxda ay hawshani khusayso;

 Markuu Arkay:                       In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

 Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland,  (Bedel Gudoomiyihii hore ee Sanaag)

  1. In Mudane, Axmed Cabdi Falay, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Cali Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar Jamhuuriyadda Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenada

 In Mudane, Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

  1. In Mudane, Xaamud Xuseen Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Xilka Qaadis
  1. Ku:      Mudane, Maxamed Faarax Aadan

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sool

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sool aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Sool.

Ku:      Mudane, Axmed Cali Nuur

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Saraar

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Saraar aan kaa qaado una magacaabo mas’uul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Faarax oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.

Ku:      Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf

Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Ku:      Mudane, Khadar Cali Cilmi

Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saaxil

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Aqbalaad Is-casilaad Gudoomiye

  1. Ku:      Mudane, Cabdoo Axmed Aayir

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Awdal

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeedo:          Aqbalaad Is-casilaad

 

Mudane,

 

Tixraac qoraalkaaga summaddiisu tahay XMGA/B/02/286/2015, kuna taariikhaysan 07/02/2015, ujeedadiisuna tahay is-casilaad.

Sidaas darteed, waan kaa aqbalay is-casilaada aad ii soo gudbisay, waxaanan kaaga mahadinayaa muddadii aad haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Haddaba, waxaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal ku wareejin doontaa Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Sidaa awgeed, waxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu dhamaan masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilka Gudoomiyeyaasha, Gudoomiye ku xigeenada Gobolada ee kor ku xusan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...