Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka digey in la xiro Xawaaladaha

Date:

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digey in dhibaato xoog leh oo ka dhalaneysa haddii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool laga xanibo in ay ehelkooda lacago ugu soo diraan Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa sheegey in Malaayiin Soomaali ah noloshoodu ku xiran tahay lacagaha Xawaaladaha ee ehelkoodu u soo diraan, waxaana ka dhalan kara xanibaad loo geysto lacagaas, xaalad bini’adaanimo oo ku kacayso dhaqaale badan, oo lacagta xawaaladuhu dabooli jireen

Hay’adaha gar-gaarka ee Oxfam International iyo Adeso ayaa sheegaya in qiyaastii 1.3 Bilyan oo Dollar loo diro Soomaaliya kuwaas oo la marsiiyo Xawaaladaha.

Bangiyada dalka Maraykanka ayaa wada qorshe ay gebi ahaanba ku joojinayaan la shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida, sidaas oo kale waxaa bilaabey qaar ka mid ah dalalka Yurub sida Sweden, Waxaana Bangiyada reer galbeedku ku doodayaan in Xawaaladuhu aysan soo buuxin sharciyaddii loo baahnaa. Mr Kay ayaa sheegaya in ay jiraan waddooyin iyo farsamooyin lagu badbaadin karo nidaamka Xawaaldda ee Soomaaliya.

Soomaaliya kama jirto Dowlad xoog badan oo leh nidaam dhaqaale oo fadhiya, Bangiga Dhexe iyo kii Ganacsiga ee Soomaaliya ayaa ah kuwo shaqasdoodu tahay mid aan dhaafsiisneyn Muqdisho, Waxaana Soomaali badan wadnaha farta ugu hayaan sida xaal noqon doono haddii la xanibo Koontooyinka Xawaaladaha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...