Maraykanka ayaa nin Soomaali xukun ku ridey taageero uu siiyey al-Shabaab

Date:

Maalintii shalay ayaa Wasaaradda Caddaaladda Maraykanku sheegtey in nin dhalashadiisu tahay Soomaali lagu xukumey 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu heley taageero uu u fidiyey ururka al-Shabaab oo ka mid ah liiska ururada Argagixisada ah.

Cabdinaasir Maxamuud Ibraahim oo ah 43 sano jir ayaa lgu heley in uu fariimo qoraal ah (Email) u diri jirey dad kale si uu isugu dubarido dhalinyaro ku biireysa al-Shabaab, waxaana lagu heley in uu lacago u direy al-Shabaab.

Cabdinaasir ayaa qirtey in uu been u sheegey hay’adda socdaalka ee Maraykanka, kana been sheegey qabiilkiisa isaga oo sheegtey qabiilka Awer kuwaas oo beelaha hawiye dhibaato ku hayaan, laakiin waxaa la ogaadey in isaga qudhiisa Cabdinaasir uu yahay Beesha Hawiye, sida lagu yiri warka ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Maraykanka.

Soomaali badan ayaa dalka Maraykanka ugu xiran arrimo caynkan oo kale ah kuwaas oo xabsiyo kala duwan lagu xukumey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...