Dahabshiil oo mar kale Kaga Guulaystay Daahir Calasow Maxkamad Holland ahoo Amar ku Bixisay inuu Degdeg u Fuliyo Magdhawga Lagu Waajibiyey

Date:

Maxkamadda racfaanka ee dalka Holland ee ku taalla Hertogenbosch, Netherlands,  ayaa u xukuntay Shirkadda Dahabshiil dacwad maxkamadeed oo ay shirkaddu kula jirtey Dahir Calasow.

Shirkaddu waxay hore dacwado maxkamadeed ku oogtey bishii Oktoobar ee 2012 Dahir Calasow oo ah nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, dacwadahaasi oo la xidhiidhey qoraallo iyo maqaalado dhawr ah oo been-abuur ah oo la daabacay, lana faafiyey, loolana dan leeyahay in wax loogu dhimo magaca iyo sumacadda shirkadda Dahabshiil.   Waxana qoray oo faafiyey eedaysanaha (Dahir Calasow) oo in muddo ahba ku soo daabacayey kuna soo saarayey dhawr website oo Soomaali ah, gaar ahaanna Sunatimes. ASOJ iyo Waagacusub.

 

Dahir Alasow
Dahir Alasow

Haddaba 16kii bishii Diisambar ayay Maxkamaddu soo saartay xukun, waxayna go’aamisay in eedaymahaasi ay yihiin qaar meel-ka-dhac iyo magac-dilis ku ah Dahabshiil. Waxayna amar ku siisay Dahir Calasow in uu la noqdo oo uu meesha ka saaro maqaaladahaasi, si buuxdana u soo qoro oo uu u soo daabacow in uu ka noqday eedaymahaasi, lana noqday maqaaladahaasi meel-ka-dhaca ah, aanu qiro in qoraalladaasi ay ahaayeen beenabuur ula kac ah oo loogu talo galay magacdil shirkadda, oo aan qiil lahayn.  Waxa kale oo maxkamaddu ku amartay Dahir Calasow in uu qoro oo uu diro email sixitaan ah oo isla qodobadaasi hore  waafaqsan, una kala diro dad badan oo uu hore dhawr sano ka hor la kala xidhiidhay, isaga oo samaynaya isla eedahani been-abuurka ah.  Waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay Calasow inuu bixiyo kharashkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay dacwadda, iyada oo weliba xaddiday ganaax maalinle ah ku waajibaya Calaosw haddii uu jebiyo ama ka soo bixi waayo arrimaha xukunka maxkamaddu waajibiyey.

Ayaan darro waxa ah in Calasow uu qiritaanka beenabuurkiisa ku daabacay website’kiisa, farriintii emailka ahaydna kala diray, hase yeeshee aanu si buuxda u fulin amarkii maxkamadda. Taasi waxa ay keentay in fuliyeyaasha maxkamadd iyo Bilayska Dhajku ay tageen goobta uu joogo, awoodna ku fuliyaan ganaaxa ku waajibey, iyada booliisku marar kale oo badanna ku soo noqon doono ilaa si buuxda loo fuliyo xukunka maxkamadda iyo ganaaxa la saaray.

Afhayeen u hadalay shirkadda Dahabshiil oo arrintani ka hadlayey waxa uu yidhi: “Dahir Calasow waxa uu caadeystey in badan in uu isku dayo inuu ka been abuurto oo xajiimeeyo ama dhaawac u geysto magaca iyo sumacadda shirkadda, waanuna soo dhaweynaynaa go’aanka maxkamadda oo caddeeyey in aannaan wax eeda ah ku lahayn eedaymihiisa oo ay muuqatay inay been-abuur iyo ceebayn keliya yihiin.

“Shirkadda Dahabshiil waxa ay xidhiidh togan oo wanaagsan la leedahay saxaafadda Soomaalida iyo tan caalamkaba, kumana aannu faraxsanayn runtii inaanu calasow (iyo qayrkii toonna saxaafadda) dacwado maxkamado gaadhaa na dhex maraan. Waxa kellifay isaga oo olole dhagaraysan oo sumcad dil ah joogtaystay, kaas oo waajibiyey in aan af-ku-xooglaha xoog-ku-doonka ahi guulaysan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...