Warbaahinta Caalamka ayaa daaha ka rogay in mataanayaasha lagu kala magacaabo Zahra iyo Salma Xalane oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Somalia ay soo bandhigeen Sawiro ka turjumaayo Tababaro ciidan oo ay ku qaadanayaan mid kamaid ah Xarumaha Daacish.
Warbaahinta Caalamka oo Sawiradaasi kasoo xiganaaya Baraha Bulshada, ayaa sheegay in labadaasi mataano ay xiligaani u guda galeen Tababaradooda, waxaana la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan Dagaalada ay Maleeshiyaadka Daacish kaga soo horjeedan Dowladaha Syria iyo Ciraaq.
Zahra iyo Salma Xalane oo da’ dooda lagu qiyaasay 17-sano jir, waxa ayna ka qeybqaadashada dagaalada Daacish awgeed uga soo ambabaxeen bishii June ee sanadkii hore Magaalada Chorlton, Manchester.
Dumarkaani walaalaha ah ayaa waxa ay soo bandhigeen iyagoo ku hubeysan qoryaha noocyadooda fudfudud, waxa ayna muujinayaan inay aad ugu qanacsan yihiin kamid ahaanshaha Kooxdaasi.
Dhanka kale, Labadaani walaalaha ah ayaa waxa ay halkaasi ku guursadeen Saraakiil ka tirsan Maleeshiyada Daacish.
Waxa ay hadda kamid yihiin Booliska Daacish, gaar ahaan kuwa dumarka.