Madaxweyne Xasan Shiikh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha dalka Serbia u fadhin doona Soomaaliya Mr Ivan Zikovic.

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub u xaqiijiyey in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in xiriirka labada dal uu noqdo mid iskaashi oo gacan ka geysta dib u soo kabashada Soomaliya.

‘Wan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya kugu soo dhoweyno. Dowladeyda diyaar ayay u tahay inay si buuxda kuula shaqeyso si aad waajibaadkaaga u gudato. Waxan filayaa inaad taageero badan naga siin doontaan adeegyada kala duwan ee ku burburey dagaaladii sokeeye”

Danjire Zikovic oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dalkiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono adeegyada waxbarashada, beeraha, tababarka mihnadaha dhalinyarada, sayniska,caafimaadka iyo kuwo kale oo horumarineed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey danjiraha adeegyada Serbia ay dooneyso inay kala shaqeyso Soomaaliya , isagoo si gaar ah u xusey muhimadda tababarada mihnadaha u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

”Muhimad balaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameyney laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena. Waa hubaal in haddii gacan balaaran la inaga siiyo dhinacyada mihnadaha iyo sayniska in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono waddanka”

Munaasabadda uu madaxweynaha danjire Zikovic kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...