Madaxwayanaha Sudan Oo La Sheegay Inuu Xidhiidh Rasmi Ah La Soo Sameeyey Madaxwayanaha Somaliland Iyo Go’aan Cusub Oo Laga Soo Saaray Hubkii Iyo Markabkii Siday

Date:

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa la sheegay inuu go’aamiyay in la sii daayo Markabka MV-Shaakir iyo Hubka saarnaaba kadib markii dhambaal lagu sharaxayo Arrinta Hubkaasi ugu yimid Madaxtooyada Suudaan oo sheegatay lahaanshaha Hubkaasi.
Ma jiro war Rasmi ah oo Xukumadda Somaliland ka soo baxay, balse Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Sudaan Cumar Al-bashiir Qoraal u soo diray Madaxweyne Siilaanyo,sidoo kalena xidhiidh telefoon dhexmaray, waxayna dawladda Sudan sheegtay inay leedahay Hubka Markabku sido, islamarkaana uu yahay Hub loo waday Carwo hubka lagu soo bandhigayo oo Dubai ka dhacaysa 22-26-ka bishan. Waxay Suudaan meesha ka saartay in Hubkani ganacsi ku lug leeyahay iyo in cid gaar ah loo waday.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xidhiidhka Sudan ka dib go’aansaday in Maanta la fasaxo Markabkaasi iyo Hubka saarnaaba kadib markii uu Berbera ku xidhnaa tan iyo 24-kii bishii hore.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Shalay la dejiyay Hubkii Saarnaa Markabka sidoo kalena Wasiir warancadde sheegay in Hubka Sudan sheegatay balse aanay wax caddayn ah ka haynin.
Idaacadda BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in Markabkaasi Maxakamadda Saaxil ku riday Ganaax Lacageed, haseyeeshee lama oga waxa laga yeelayo Maxakamadaynta Markabka iyo Shaqaalihiisa maadaama oo uu hubsiday isagoo markab ganacsi ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...