Baaq:Qabyaalada ha laga joojiyo War baahinta Somaliland

Date:

Baaq

(Qabyaalada  ha laga joojiyo  War baahinta Somaliland)

(Dugsi ma leh Qabyaaladi— waxay dumiso mooyaane)

Ku :Saxaafada Somaliland.

Ku : Golayaasha  Sharci dejinta.

Ku : Xukuumada  Somaliland.

Runtii waa wax laga xumaado,laga naxo  qaar ka mid  ah Barmaamushada, shir jaraaida, wareysiyada,maqaalada iyo guud ahaan  wararka kala duwan ,ee ay  baahiyaan  Saxaafada Somaliland sida Jaraaidka—TV-yada iyo Shabakadaha internet-ka,kuwaas  oo aad moodo in ay ka muuqato :-

Erayo xambaarsan QABYAALAD,kala qaybin iyo iska horkeenid Bulshadareer Somaliland,kuwaas oo haddii ay sii socdaan  dhib weyn u gaysan kara Shacabka  iyo Qarannimada Somaliland.

  1. Ma qurux badna in la buunbuuniyocid kasta oo ka soo horjeeda Qarannimada Somaliland (Qarannimada  waynu wada leenahay,ee cidna gaar uma aha)
  2. Aflegaadada Madaxda Qaranka iyo cid kasta  oo leh hab maamuus Qaran.
  3. Waaceeb,waa dembi in la soo bandhigo « Sirta Qarannimo »,arimaha ciidamada kala duwan iyo Waraaqaha iyo qoraalada u gaarka ah Xafiisyada Qaranka.

Talo soo jeedin :-

  1. Waa muhiim in la helo,sharcikala hagaya  Saxaafada iyo Qarannimada Somaliland,Sharci ay ku qoran yihiin waxa Ummadda loo baahin karo,dhaqan ahaan,Siyaasad ahaan iyo Diin ahaan.
  2. Waxaa inagu soo fool leh Doorashooyin,culays  weyn leh ,sida Doorashada,Golaha wakiilada,iyo Doorashada Madaxtooyada.Waa  hubaan ,haddii  arimaha aan kor ku soo sheegay ay sii socdaan in ay dhici karto dhibaato  aan Shacabka iyo Qarannimada midna u wanaagsaneyn.
  3. Saxaafada Somaliland waxaa ku haboon in ay  Shacabka  u baahiyaan Barmaamushyo tayo leh, Shacabkuna wax ka faaiidaysan karo.Saxaafada Somaliland waxay haysataa madaxbanaani buuxda,taasna macnaheedu maaha in aad baahin karto,wixii dhibaato u keenaya Bushada iyo Qarannimada Somaliland(SAXAAFADU WAA —- MADAXBANAANI— SHARCI–MASUULIYAD IYO TAFATIR.

Ugu dambayn waxaa ugu baaqayaa Shacabka Reer Somaliland,in ay ilaaliyaan Qarannimada Somaliland meelkasta oo ay joogaanba,gaar ahaan Shacabka ku nool Qurbaha waxaan ka codsanayaa in aanay dheg u dhigin kuwa War baahinta la soo fadhiista  «  Haddii aanu Reer hebel nahay »-

 

ALLAA                        MAHAD                    LEH

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

facebook and twitter. Abdi saleiman

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...