Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo ka kooban 20 xubnood. Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowleyaasha ayaan la magacaabin oo la sheegay in gadaal laga soo magacaabi doono.
Xubnaha cusub ayaa u badan rag saaxada siyaada ku cusub, waxaana daaqada ka baxay Wasiiradii hore oo garabka Madaxweynaha ah kuwaas oo xildhibaanada Baarlamaanka gebi ahaan diideen in mar kale lasoo magacaabo.
Golaha Wasiirada cusub ayaan ku jirin xubin kasoo galay Baarlamaanka iyadoo asbuucyadii lasoo dhaafay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay buux dhaafiyeen Xildhibaano jago doon ah oo gudbiyey araajidooda.
Hoos ka akhriso Magacyada Wasiirada iyo Wasaaradahooda;
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa Isaaq ,Habar Awal,Sacad Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid.
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan.
3. Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka: Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan.
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda ,Waa Raxanweyn,DISOOW.
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia.
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil.
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada ,Waa Daarood,Leelkase.
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan, Reer Aw Mahdi,
9. Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade.
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland.
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq.
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada , Waa Daarood,Dhulbahante.
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax.
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Raxanweyn,
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle,
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa Digil,Gelledi.
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha , Waa Tumaal.
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye, Gaaljecel.
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle.
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo.