Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka hadlay Xukuumadda cusub lasoo dhisayo

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Shir jaraa’id uu galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada kaga hadlay xukuumadda cusub ee dhowaan lagu dhawaaqi doono.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda lasoo dhisaayo ay ahaan doonto mid loo dhan yahay balse aysan dadka oo dhan kasoo muuqan doonin isagoo codsaday in lala shaqeeyo.

“Xukuumad ayaa la soo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumada si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay isla markaana looga faa’ideysto waqtiga” ayuu yiri.

Shirkiisa jaraa’id kuma soo hadal qaadin ama la waydiinin su’aal la xiriirta walaaca ay qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo digniinta ay jeediyeen oo ku saabsan in aan lasoo celin Karin Wasiiradii hore ay diideen oo ka qayb qaatay riddida Xukuumaddihii hore, iyagoo sheegay haddii ay dhacdo in aysan siin doonin codka kalsoonida.

Warar ay Horseed Media ka heshay ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaya in  uu doonayo in lasoo celiyo Wasiirada saaxiibadiis oo ay diideen Xildhibaanada.

Beesha Caalamka ayaa niyad jab ka muujisay muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Hay’addaha Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaamtay mid caqabad ku ah hiigsiga sanadka 2016 oo ay doonayaan in dalka uu ka dhaco doorashooyin xor ah iyadoo waqti uu yahay gabaabsi.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...