Boko Haram oo dib looga riixay Maiduguri

Date:

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada Maiduguri ee waqooyi bari dalka Nigeria. kaddib markii dagaal yahaniinta Boko Haram ay weerareen magaalada shalay.

Militariga Nigeria ayaa dib u riixay dagaal yahaniinta Boko Haram, balse waxaa soo baxday su’aasha ah, sidey amni ku noqon kartaa magaalada istiraatiijiga ah ee hoyga u ah kumannaan qof oo dagaalka ka qaxay.

Isla shalay, magaalo lagu magacaabo Monguno ayey qabsadeen Boko Haram.

Militariga Nigeria way ku guuleysteen dagaalkan gaar ka ah ee ka dhacay Maiduguri.

Labada dhinacba qasaaro ayaa dagaalka ka soo gaaray, sidoo kale dad rayid ah ayaa markastaa ku geeriyooda dagaallada.

Balse dagaal yahaniinta Boko Haram ayaa militarigu ay hakiyeen, dib ayaana looga riixay nawaaxiga magaalada.

Xaqiiqda ka dambeysa sababta ay magaaladan u weerareen ayaa walwal dhalisay.

Waxa ay horey u qabsadeen deegaanada ku hareereysan magaalada, waxaana jirto hal waddo oo keli ah la aamin san yahay inay nabad tahay, taaso oo gasha kana baxdo magaalada.

Maiduguri waxa ay hadda deegaan u tahay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaallada.

Tobannaan kun oo qof ayaa magaalada ku barakacay kaddib markii deegaanadii ay deganaayeenna la gubay ehelladoodana la dilay.

Dadkaasi, magaalada waxay u tahay rajadoodii ugu dambeysay ee ay ku nabad gali lahaayeen.

Weli waxaa jirto halis ah in Boko Haram ay markale isku deyi doonaan inay qabsadaan magaaladan.

Sida lagu yaqaano waxa ay qaadaan weerari xiriir ah oo jihooyiin kala duwan, taas oo caqabad weyn ay ku noqoneyso in militariga Nigeria ay difaacaan magaaladan istiraatiijiga ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...