Maxkamadda Racfaanka ee Kenya oo ayiday go’aan hore

Date:

Sideedan qodob ee muranka badan dhaliyay ee ka midka ahaa sharciga ammaanka ee dhawaantan la meelmariyay ayaa weli laalan oo aanan laga dhaqan gelin karin Kenya.

Qodobadan ayaa waxaa laalay Maxkamadda Sare kaddib markii ay arji ay kaga soo horjeedaan sharcigaasi uu gudbiyay isbahaysiga mucaaradka.

Dowladda ayaa sheegtay in sharciga ammaanka uu ka caawin doono dagaalka ay kula jirto kooxda islaamiga ah, ee Al-Shabaab, hasayeeshee mucaaradka ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay isu badeli karto dowlad kaligeed talis ah.

Qodobadan la hakiyay ayaa waxa ay awood u siinaayaan dowladda inay dhageysato isgaarsiinta iyadoon haysan amar maxkamadeed, inay xoog ku sameyso baaritaan, iyo inay xaddido tirada qaxootiga ee soo gali karta dalka.

Sharciga ayaa sidoo kale waxa uu xarig gaaraya ilaa 3 sano iyo ganaax culus uu ku soo rogayaa warbaahintii tabisaa warar u muuqdo in lagu wiiqayo baaritaanada ay boolisku ku sameeyaan argagixisada.

Dacwadda ku saabsan sharcinimada qodobadaas waxay weli ka socotaa maxkamadda sare

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...