Safarkii Madaxwaynaha Ee Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka

Date:

allay-baday 10407200_705681352879054_4881966791774764003_n

Haka masuugin inaad wanaaga ka markhaati kacdo, waa inaad ku dhiiran kartaa inaad hanbalyayso qof guulaysta ama tallaabo wanaagsan hore u qaada, taasi waxay kuu suurto gelinaysaa inaad yeelato hiigsi horu-socod ah, taa bedelkeeda haddii aad dafirto wanaag kasta oo uu sameeyo qof ama koox wada jirtaa waxay suurta gelin kartaa inay naftaada u dirto fariin taban waxana suurta gal ah inaad noqoto qof dib u socod ah.

Waxaan doonayaa inaan dhammaanteen kuwada dhiirano inaynu hanbalyayno madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaaliland, socdaalkiisii dheeraa ee ku maray qaybo badan oo dalkeena ka mid ah, safarkaas madaxwaynuhu ma uusan ahayn safar fudud wuxu ahaa safar miisaan leh.

Mid kamid ah cabirada ama halbeegyada lagu cabiro hogaamiyaayasha wanaagsan waxa ka

mid ah hadba inta uu u jiro Saxaabigii waynaa ama amiirkii Mu’miniinta Cumar Binul-Khataab, Cumar wuxu leeyahay taarikh hogaamineed oo aad u qoto dheer, mid ka mid ah astaamihiisu waxay ahayd inuu mararka qaarkood oohin la fadhiisan jiray, marka lawaydiiyo maxaa kaa oohinaya wuxu ku jawaabi jiray “waxaan ka baqayaa in ilaahay igu cadaabo Ceesaan/ri’da ku gaajoota darafka/cidhif kale ee dunida, waayo aniga ayaa masuul ka ah dhammaan waxa dhulka guud kiisa saran oo ilaahay ka sokow Khaliif ka ah muddo xileedkayga”, taas waxaynu ka fahmi karnaa in Cumar Binul-Khadaab uu dareemayey masuuliyad dhammaystiran oo kasaaran dalka islaamka ah ee uu khaliifka ka yahay.

Muslimiinta dhaqankooda wanaagsan waxa ka mid ah inaanay cabirin waxa ku jira qofka laabtiisa laakin ay cabiraan waxa uu muujisto ee ficil ah, sidaa awgeed anigoo cabiraya muuqaalka guud ee aan ka arkayey safarkii Madaxwaynaha waxaan odhan karaa wuxu mutaystay in la dhiiri geliyo laguna hanbalyeeyo safarkaas uu xogogaal ugu noqonayey xaaladda guud ee dadkiisa iyo dalkiisa.

Waxaan xasuustaa madaxwayneheenii hore ee Daahir Riyaale Kaahin oo qudhiisu ahaa madaxwayne wanaagsan waxbadanna dalka u soo qabtay taarikhduna aanay ilaawi doonin, markii lagu jiray doorashadii madaxwaynaha ee dalka ka dhacday 2010, wuxu safar olole doorasho ah ku yimi magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceergaabo, safarkiisaa uu ku yimi Ceergaabo safarkii ka horeeyey wuxu ahaa safarkii Ololaha Doorashooyinka ee 2002, muddo sideed sano ah ayaanu iman magaalada ceergaabo, labadaa waqti ee isku xiga qofku wuxu is waydiin karaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin mudadaas imisa ganacsi baa kacay, iminsa qof baa caafimaad xumo u dhintay, imisa qofbaa dhaqaale xumo ama faqri u dhintay, imisa qofbaa cadho ama dulmi laga galay u dhintay, imisa qofbaa cadaalad daro lagu sameeyey?, waayo dadku waxay jecelyihiin inay madaxdooda u sheegaan hadba waxay tabanayaan, madaxda hoose lafteedu waxay ka baqaan in hogaamiyahooda sare looga gudbiyo tabashooyin laga qabo, labadaas arimood bay kasoo dhex bixi kartaa in si wanaagsan loo wado hawlaha shaqo ee qaranka loo hayo, si qarankeenan curdinka ahi u higsado ama uga dhabeeyo yookiisa fog ee 2030.

Ugu danbayn waxaan kusoo afmeerayaa aynu dhaliilo khaladaadka cad-cad ee uu madaxaynuhu galo inagoo uga jeedna inu saxo khaladkaas, aynuna ammaano wanaagyada uu sameeyo inagoo uga jeedna inuu sii laban laabo.

Allaa Mahaleh

Khadar A Hakiin

Ceerigaabo

Sanaag.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...