Kufsi lagu eedeeyay ururka Boko Haram

Date:

Haweeney Nigeria u dhalatay oo ka baxsatay kooxda Boko Haram kaddib markii ay qabsadeen magaalada Baga seddax isbuuc kahor ayaa sheegtay in dagaal yahaniinta ururka ay kufsadeen gabdho ay qabsadeen.

Haweeneydaan oo codsatay inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegtay in qabsashada gabdhahaasi ay ka dambeeyeen dhallinyaro ka mid ah Boko Haram oo asal ahaan ka soo jeeda Baga.

Waxa ay xaqiijisay in gabdhaha loo muxaadareeyay ka hor intaan la kexeysan habeenkii, iyadoo illaa subixii ay haysteen kooxda.

Gabdhaha oo la sheegay inay aad u yaryar yihiin ayaa dagaalyahaniinta ay kala xulanayeen, sida ay haweeneydaan ka soo baxsatay Boko Haram ay sheegtay.

Waxa ay sidoo kale sharaxday inay aragtay boqollaal qof oo rayid ah oo lagu dilay Baga inay maydadkooda wele daadsan yihiin hareeraha jidadka.

Boko Haram ayaa Baga weerartay seddax isbuuc ka hor, waxaana hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ay sheegtay in magaalada oo dhan la gubay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kumannaan qof lagu dilay halkaasi, balse dowladda Nigeria waxa ay sheegtay in 150 qof lagu dilay. dhanka Boko Haram waxa ay sheegteen inay 200 oo qof ku dileen.

Baga oo ku taalla xuduuda dhanka waqooyi eek u dhow Chad ayaa hadda waxaa ku hardamaya ciidamada dowladda Nigeria iyo Boko haram.

Kooxda hadda waxaa la sheegayaa inay halis ku tahay dalalka jaarka la ah Nigeria, waxayna weeraro ka geysteen dhanka dalka Cameroon.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...