Maxkamad ku taalla magaalada Denver ee dalka Mareykanka ayaa afar sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney dooneysay inay u safarto dalka Suuriya si ay u caawiso Daacish.
Shannon Conley oo 19 sano jir ah oo mardhow muslim noqotay ayaa la xiray bishii April ee sanadkii tagay.
Xilligii la qabanayay waxay dooneysay inay ka safarto garoonka caalamiga ah ee Denver, waxayna qorsheyneysay inay sii marto dalka Jarmalka.
Waxa ay qiratay gabadhan inay caawineysay koox argagixiso ah. Maxkamadda ayeyna ka aqrisay qoraal ay ugu mahadcelineysay FBI-da oo ay sheegtay inay nolosheeda badbaadiyeen.