Africa: Tartanka Ciyaaraha Qaramadda Africa oo maanta bilaabanaya

Date:

Tartamada ciyaaraha qaramada Afrika ayaa maanta ka bilaabanaya dalka Equatorial Guinea.

Ciyaarahan ayaa markii hore la filaayay inay ka dhacaan dalka Morocco, balse dhammaadkii sanadkan ayey diideen kaddib markii ay ka baqeen xanuunka Ebola in uu ku faafo dalkooda.

Ciyaarta lagu furayo tartamada ciyaaraha qaramada Afrika oo dhexmari doonto dalka Martigelinaya ee Equatorial Guinea iyo Congo Brazaville ayaa ka dhicidoonta magaalada ugu wayn ee Bata.

Hoteellada oo aad u buuxsamay oo aan laga heleynin qolal la seexo iyo adeegyada kale oo ciriiri ah ayaa walaac badan abuuraya ka hor ciyaaraha.

Arrintan ayaa dalka Equatorial Guinea uu u hayaa cudurdaar, sababtoo ah dalkan yar ee qaniga ku ah saliidda ayaa todobo isbuuc ugu diyaar garooway inuu martigeliyo tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika.

Afar garoon ayaa lagu ciyaarayaa kulamada, labo ka mid ah waxay ku yaallaan magaalooyiin yaryar oo ku dhow xuduudda dhanka bari halkaas oo laga keeno cawska garoomada la dhigo.

Layrarka ama nalalka iyo kuraasta ayaa la geliyay garoomadaasi, halkaasi oo mid ka mid ah kooxaha ay ku sheegtay inay la mid tahay guryaha bulshada.

Way ka fogtahay dhameystirnaan, waxaa soobaxaya cabashooyiin, balse xiriirka kubadda cagta ee Afrika ayaa ku baaqaya dulqaad.

Guddigan ayaa diiday codsi ahaa in dib loo dhigo qabashada ciyaaraha kaddin markii Morocco ay diiday inay martigeliso.

Weli waxa ay ku niyadsan yihiin go’aankaasi oo aysan weligood ka shalayndoonin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...