SOMALILAND:“Madax-dhaqameed Boorame Lagu Xidhay Ma Jiro, Nabad-gelyadda Awdal-na..”

Date:

Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in aanay jirin Dad ay ka mid yihiin Madaxdhaqameed oo Ciidamada Amaanku Isniintii todobaadkan ay ku xidheen deegaanka Qun-jeed ee Gobolka Awdal.

Wasiir Waran-cadde oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Dawlada hoose iyo Ciidamadda Nabad-gelyada Wadooyinku ay wadaan hir-gelinta nidaam cusub oo loo samaynayo Wadooyinka Caasimadda Hargeysa, taas oo uu sheegay in lagu xakamayno saxmada Gaadiidka.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay jirin cid madax-dhaqameed ah oo lagu xidhay Boorame, waxaanu yidhi “Arrinta Odayaashan waxba kama jiraan ee yaan dheg loo dhigin, manaan maqlin. Gobolka Awdal hore ayaanu u tagnay waanad ogtihiin hadda Gobolku Nabad-buu ku sugan yahay , aniga oo aad ugu mahad-celinaya Madax-dhaqameedka, Madaxda iyo Shacabkaba wax dhibaato ah oo ka dhacay ma jiraan, arrintaasna Somaliland siday weligeedba u xalin jirtay arrimaheedda ee wanaaga ahayd-bay u xalinaysaa.”

Wasiirku waxa uu sheegay in la hir-gelin doono nidaam cusub oo loo samaynayo Waddooyinka Caasimada Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaanu u xil-saarnay Dawladda hoose iyo Ciidamada Nabad-gelyadda Wadooyinka, markaa illaa beri ayaa la kala wareejinayaa, waxaanay hadda dhamaystirayaan meelaha ay waddooyinku iska soo galaan iyo meelaha kale. Waxaanan filayaa inay fudaydin-doonto saxmada badan ee ka jirta Wadooyinka Magaaladda Hargeysa marka ay dhinac u wada socdaan Baabuurtu ee ay labada Waddo ay kala maraan iyo Wadooyin kale oo hadda loo qorsheeyay inay kala maraan, markaa waxaan filayaa inay wax weyn ka qaban-doonto isku socdka Magaaladda iyo Gadiidka.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...