Dad aad u badan oo ka qaxaya waqooyiga Nigeria

Date:

Hay’adda caafimaadka ee MSF ayaa sheegeysa inaysan suuragal ahayn in la gaaro dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay qalalaasaha dhowaanahan ka taagan waqooyi bari dalka Nigeria, taas oo ay ugu wacan tahay halista halkaasi ka jirta.

Ururka Islaamiga ha ee Boko Haram ayaa dhowaantan waxa ay qabsadeen magaalada Baga, goobjoogayaal ayaana sheegaya in boqollaal qof lagu dilay halkaasi.

Hay’adda MSF waxa ay sheegeysaa in qiyaastii 5,000 oo qof ay maalmahan u carareen magaalada weyne ee Maiduguri, kuwaas oo ku biiraya nus-milyan oo qof oo horey uga barakacay dagaalka halkaasi ka jira.

Hay’adda waxa ay sheegeysaa in xaaladda bini aadamnimo ay ka siidareyso, ayna ka walaacsan yihiin dadka dhibban oo aysan caawin karin.

Tirada dadka ka qaxaya Baga iyo nawaaxigeena ayaa sare u sii keceysa, iyadoo Boko Haram ay ku sii baahayaan nawaaxiga deegaankaasi, sida hay’addu sheegtay.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, oo lagu magacaabo, Marie Harf, ayaa sheegtay in Boko Haram ay dhul balaaran oo hor leh ka qabsatay gobolka.

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in aan la ogaan karin waxa ay ka sameynayaan deegaanada ay awoodda u leeyihiin inay maamulaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...