SOMALIA:Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo lagu dhawaaqay (Magacyadda +Qabiiladooda)

Date:

a’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirrada cusub.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay in uu mudnaanta siiyay laba arrin, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in waqtiga dowladda u harsan, oo kooban awgeed uu soo celiyay wasiirradii madaxda ka ahaa wasaaradaha muhiimka ah.

Waxa uu sababta ku sheegay si ay howsha usii socoto, iyo isagoo sheegay inuu ku soo daray golahiisa dad kala afkaar duwan si loo abuuro xasilooni siyaasadeed.

Haddaba, waxaa xilkooda dib loogu magacaabay wasiirradii xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo wasiirrada soo laabtay ay ka mid yihiin Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Cadaaladda, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, halka Xuseen Cabdi Xalane, xilkii Wasiirka Maaliyadda mar kale loo magacaabay.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo loo raaciyay Dhiirigelinta Maalgashiga.

Mustaf Cali Dhuxulow Wasiirka Warfaafinta, waxaa isagana loogu daray Hidaha iyo Dalxiiska.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Halka wasiirka Amniga loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali, oo horay u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Golahan caawa lagu dhawaaqay, ayaa waxaa la horgeyn doonaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si loogu qaado codka kalsoonida.

Waxaa halkani kuso bandhigeynaa  Magacyada iyo Qabiladooda.

Wasiiradda Beesha Hawiye ?
  1. Cabdi Kariim Guled -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka  ,Habargidir ,Hawiye,
  2. Abdullahi Sanbaloolshe Wasiirka Amniga,Xawaadle Hawiye,
  3. Mohamed Mukhtaar Wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka badda, Gaaljecel Hawiye
  4. Nadiifo Mohamed Osman Wasiirka Hoowlaha guud iyo dib u dhiska,Gugundhabe ,Hawiye,
  5. Mustaf Dhuxulow Wasiirka Warfaafinta,Hiddaha iyo Dalxiiska Murusade,Hawiye.
  6. Faarax Cabduqadir Wasiirka Cadaaladda ,Reer Aw Xasan,Sheekhaal Hawiye,
  7. Xasan Maxamed Jimcaale,Wasiiru doowlaha Dastuurka,Duduble Hawiye,
Wasiiradda Beesha Dir ?
  1. Cabduqadir Sheekh Ali Baqdaadi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta –Reer Aw Saciid ,Dir
  2. Cabdalla Boss Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Isaaq Habaryoonis
  3. Abdirahman Beeyle Wasiirka Arrimaha dibadda iyo ,Gadabuursi ,Dir.
  4. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Korontada iyo Biyaha , Habarjeclo Isaaq.
  5. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka , Biyomaal,Dir
  6. Maxamed Cumar Carte Qaalib, Ra’isulwasaare ku xigeen,Habar Awal,sacad Muuse,Isaaq.
  7. Burci Maxamed Xamza Wasiiru doowlaha Xafiiska Ra’isulwasaaraha,Isaaq,
Wasiiradda Beesha Daarood ?
  1. Daud Bisle,Wasiirka Macdanta iyo Batroolka,Dhulbahante ,Daarood.
  2. Cabduqadir Gaabane -Wasiirka Dastuurka – Leelkase Daarood.
  3. Xuseen Cabdi Xalane,Wasiirka Maaliyadda ,Ogaadeen,Daarood
  4. Maxamud Cali Magan,Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Mareexaan,Daarood
  5. Abdullahi Ahmed Jamac Ilka Jiir,Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta – Warsengeli Daarood.
  6. Feysal Xuseen Ciid,Wasiirka Caafimaadka,Carab Saalax,Daarood,
  7. Mohamud Xayir Ibrahim,Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, Majeerteen ,Daarood.
Wasiiradda Beesha Digil iyo Mirifle ?
  1. Mohamed Sheekh Cismaan ,Wasiirka Gaashaandhiga ,Raxanweyn
  2. Yusuf Macalin Amiin Baadiyow,Wasiirka Dekaddaha ,Leesaan,Raxanweyn.
  3. Hussein Mohamed Sheekh Badni,Wasiirka Beeraha ,Raxanweyn
  4. Abukar Mardaadi,Wasiirka Xanaanada xoola, Garre Digil,
  5. Axmadeey Sheekh Mukhtaar -Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta,Raxanweyn
Wasiiradda beesha Shanaad.
  1. Khadijo Mohamed Diiriye ,Wasiirka Haweenka iyo qoyska, Madhibaan
  2. Muxudiin Kaalmooy Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha,Jareerweyne
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...