Ciidamada Nigeria oo bilaabay Duulaan cusub oo ka dhan ah Boko Xaram

Date:

Ciidamada Militariga Nigeria ayaa bilaabay duulaan cusub oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Baga oo todobaadkii hore kasoo saareen maleeshiyaadka Boko Xaram.

Magaalada Baga oo ah goobta uu ku yaal saldhigii ugu weynaa ee militariga Nigeria ee waqooyiga dalkaasi ayaa todobaadkii hore waxaa qabsaday xoogaga Boko Xaram oo halkaasi xasuuq ka geystay.

Askarta Nigeria ayaa la sheegay inay goobta isaga carareen xiligii Boko Xaram ay halkaasi la wareegtay. Maleeshiyaadka Boko Xaram ayaa la sheegay inay magaalada Baga ku dileen ugu yaraan dad gaaraya 100 qof oo rayid ah, isla markaana halkaasi ku gubay guryo aad u badan.

Ciidamada Nigeria ayaa duulaanka ay Jimichii shalay bilaabeen u adeegsanaya diyaarado gacan kasiinaya ciidamada lugta dhanka duqeynta sida uu sheegay Afhayeenka militariga oo shir jaraa’iid ku qabtay caasimada Abuja.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...