Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxa golaha Amniga ee Midowga Afrika oo wada Kulma

Date:

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda golaha amniga ee Midowga Afrika Ismaaciil Shirje iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka soo gaaray Muqdisho.

Shirka ku dhexmaray madaxtooyada madaxweynaha iyo wafdiga Ismaaciil Sharji ayaa loog wada hadlay arrimo la xiriira howl galka AMISOM oo hoostaga ururka Midowga Africa oo ay ka mid tahay sidii ciidamadu usii gudan lahaayeen howlahooda shaqo.

Sii haya xilka wasiirka Difaaca dowladda federaalka SoomaaliyaMaxamed Sh Xasan Xaamud iyo madaxa golaha Amniga midowga Africa Ismaaciil Shirji ayaa si wada jira saxaafada ugu faafaahiyey shirka dhex maray madaxweynaha iyo wafdiga.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in madaxweynaha uu kala hadlay howlaha amniga ee Soomaaliya iyo taageerada Ururka Midowga Africa oo ay ugu horayso ciidamada AMISOM ee howl galka nabad ilaalinta u jooga iyo sidii looga shaqayn lahaa in ciidanka dowladda u bedeli lahaayeen AMISOM.

Madaxa Amniga Shirji ayaa sheegay in ay booqashadan u tahay mid muhiimad u leh ayna noqonayso booqashadii ugu horaysay uuna joogtayn doono imaatinka Muqdisho, Ujeedka u weyn ayuu sheegay in ay tahay sidii uu u ogaan lahaa wax qabadka ciidamada AMISOM iyo sida madaxda dowladda aragtidoodu tahay.

Ururka Midowga Africa oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya howl galka AMISOM oo ay ciidamo ka joogaan dalal Afrikaan ah, waana markii u horaysay uu Muqdisho tago masuul sare oo ka tirsan midowga Africa tan iyo markii ciidamada AMISOM Soomaaliya soo galeen.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...