Koox hubeysan ayaa weerartey xarunta Joornaalka Charlie Hebdos ee dalka Faransiiska

Date:

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatey weerar ka dhacay xarunta Wargeyska Charlie Hebdos ee bartamaha Paris dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Faransiiska , François Hollande ayaa xaqiijiyey in 11 qof ay ku dhimatey weerarka isla markaana dhaawac halis ah yihiin afar qof oo kale, Xukuumadda ayuu ugu yeeray shir deg-deg ah, waxaana uu sheegey in aanu kaba shakisneyn in weerarkaani yahay mid argagixiso.

Dhawr qof oo wejiga soo duubtey isla markaana ku hubeysnaa hubka darandooriga u dhaca ee Kalashnikovs , ayaa gudaha u galay xarunta tifaftirka Wargeyska waxaana ay bilaabeen in ay xabado badan ridaan, kadibna isla markiiba meesha ayey ka baxsadeen. Booliska ayaa ku tilmaamey nimankan in ay ahaayeen saddex nin oo u tababaran sida Kumaandooska, ilaa haddana lugtoodu waa fasaxan tahay oo lama qaban. Gaarigii kooxda weerarka qatey ay wateen ayey uga tageen meel ka baxsan Paris waxaana noociisu ahaa Citroen DS, waxaana si xawli ah u socda ugaarsigii ugu ballaarnaa ee dad la doonaayo la sameeyo, waxaana ka qaybqaadanaya 3000 oo askeri.

Dadka dhintey waxaa ka mid ah Kartoonistayaasha caanka ah ee Jean Cabut, Georges Wolinski, Bernard Velhac iyo Agaasimihii Wargeyska Stéphane Charbonnier, sidoo kale waxay jidka ku sii dileen laba nin oo ka tirsan ciidanka Booliska.

Qaar kamid ah Hoggaamiyaasha caalamka sida Raysalwasaaraha Britaaniya, Mustashaarka Jarmalka, Madaxweynnaha Maraykanka, Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa canbareeyey falkan waxayna ku tilmameen mid bahalnimo ah.

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa marar badan faafiyey Sawirada Kartoonka loo yaqaan oo ay wax uga sheegayaan nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis kor-kiisa ha ahaatee.

Wargeyska ayaa maanta daabacey muuqaal kartoon ah oo ay wax uga sheegayaan hoggaamiyaha ururka ISIS Abubakar al-Baqdaadi, Sawirka ayaa u ekaa markii uu khudbadda ka jeedinaayey al-Baqdaadi masjid ku yaala Masoul dalka Ciraaq, waxaana ku qornaa qoraal Faransiis ah kaas oo tarjumaadiisu noqoneyso, Salaan sanadka cusub loo diraayo al-Baqdaadi -Weli wax weerar ah kama dhicin France iyo jawaab uu bixinaayo taageere al-Baqdaadi oo leh sug ilaa dhamaadka Janaayo.

Charlie Hebdo ayaa la asaasey sanadkii 1970, Joornaalkan ayaa bur-bur ku yimid sanadkii 1981, markaas oo dhaqaalo xumo dartiis loo xirey, waxaase dib loo kiciyey sanadkii 1992, Waa wargeys Todobaadle ah, waxaana todobaadkasta la daabacaa cadad dhan 75 0000.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...