Qaraxa oo ka dhacay saldhig boolis oo ku yaalla deegaanka Sultan ahmet ee bartamaha Istanbul, ayaa waxaa fulisay haweeney la sheegay in ay ku hadleysay luuqada Ingiirska, isla markaana xirneyd indha sharer.
Haweeneyda ayaa u sheegtay boolis goobta ku sugnaa, in ay gudaha saldhiga kaga soo tagtay boorso, kaddibna waa ay isqarxisay. Waxaa goobta ku dhaawacmay laba boolis ah, oo mid ka mid ah uu markii dambe dhintay.
Ilaa iyo hadda lama sheegin heybteeda, balse waxaa la tuhmayaa in ay ka tirsaneyd urur xagjir ah oo Turkiga ka jira, kaasoo loo yaqaano Revolutionary People’s Liberation Party. Xubin ka tirsan ururkaasi ayaa todobaadkii lasoo dhaafay weerar ku qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha Turkiga.
Ururkan oo ay argagixiso u aqoonsan yihiin Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa waxa uu horay u fuliyay weerarro dhowr ah oo la beegsaday laamaha ammaanka, iyo mid sanadkii 2013-kii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara.
Turkiga ayaa sidoo kale dhawaanahan waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah.
Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka deriska la ah ee Suuriya, ayaa kusoo fiday soohdinta Turkiga, waxaana sanadkii 2013-kii laba gaari oo miineysan ay ku qarxeen magaalada Reyhanli ee ku taalla Koonfurta dalkaasi, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.
Turkiga ayaa hadda feejignaan sare ku jira, waxaana dhacdadii shalay ay muujineysaa caqabadaha dhanka ammaanka ah ee ay tahay in uu dalkaasi ka hortago.
Source: BBC Somali