SOMALILAND:Wargeys Paris Ka Soo Baxa Oo Shaaciyay In Golaha Wasiirada Soomaaliya Ay Ku Jiraan W. Hore Ee Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Sifir,Waxaanu Ka Falooday Kulankii Jabuuti.

Date:

Wargeys kasoo baxa Magaalada Paris kana faalooda arrimaha xasaasiga ayaa waxa uu daabacay qormo ku saleysan kulankii Magaalada Jabuuti Dec 21, 2014 ku dhexmaray Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh.
Wargeyska waxa uu qoray in Qodobadii Madaxweyne Xassan sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay kaga wada-hadleen shirkii Jabuuti, balse aan la shaacin waxaa ka mid ahaa sida Wasiiro ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumada Somaliland ee Siilaanyo uga mid noqon karaan Dowladda uu Ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid soo dhisi doono dhawaan.

Sidoo kale, Wargeyska oo Soo xiganaaya Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Jabuuti, ayaa sheegay in suuragalnimada Dawlada Somaliland ee uu hogaanka u hayo Siilaanyo xubno ku dhexyeeshaan Xukuumada cusub ee Dawlada ay tahay mid hubaal ah, waxa uuna daabacay in Xukuumada Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ay macquul tahay inay kamid noqdaan Seddexa Mas’uul oo qaarkood horay xilal uga soo qabtay Maamulka Somaliland waxaana kamid ah:-
1-Maxamed Cabdullaahi Cumar oo mar ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda ee Maamulka Axmed Siilaanyo.
2-Jaamac Oday oo ahaa wasiirkii Biyaha ee Xukumadii Cabdiweli Axmed .
3-Maxamed Jaamac ( Sifir) oo mar ahaa Ra’isulwasaare ku-xigeenkii dowladdii KMG-ka ahayd, oo isna la filayo inuu Xukuumada cusub ka mid noqdo, sida uu qoray wargeyska.
Waxa la eegin doonaa sida ay masuuliyiintaasi magacooyad la taxay uga mid noqon karaan Golaha wasiirada Cusub ee Soomaaliya ee hada gacanta lagu hayo dhismahooda,iyadoo mudooyinki u dambeeyay aan laguba arag ragani Somaliland loona malaynayo inay joogaan Muqdisho.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...