Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Danjiraha Denmark u fadhiya Kenya

Date:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaayo) ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda wefti uu hogaaminayay safiirka dawladda Denmark u fadhiya magaalada Narobi ee dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo socdaal ku yimi dalka. Kulankan madaxweyne Siilaanyo uu la yeeshay safiirka Denmark, ayaa waxa ku wahelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)xubno ka mid ah Golaha wasiirrada,waxaana ay ka wada hadleen xadhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo dalka Denmark iyo sidii Somaliland ay uga taageeri lahaayeen kaaba yaasha dhaqaalaha iyo doorashooyinka. Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ka dib markii kulankaasi ka dib, ayaa waxa uu sheegay in safiirka ay ka wada hadleen arrimo labada wadan ee Somaliland iyo Denmark khuseeya ,waxaana uu tilmaamay in ay warbixin ka siiyeen xaga nabadgalyada iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan wadanka sanadka 2015-ka. siilaanyo iyo denmark Maxamad Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi. “Somalilnd iyo Denmark cilaaqaad ayaa ka dhaxeeya , Denmark waxay ka mid tahay wadamada wax ina tara Somaliland xafiis ayay ku leeyihiin, waxaana u fadhiya nin wakiil. waxaana aanu ka wada hadalnay safiirka arrimo labada wadan khuseeya waxaana aanu warbixin ka siinay xaga doorashooyinka nabadda iyo wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia,markaa waxaan ku faraxsanahay kuna soo dhaweynaynaa safiirka booqashadaa rasmiga ah ee uu noogu yimid Somaliland ahaan oo aanu ku soo dhaweynayno aad baanay u qadariyaan Dadka reer Somaliland dawlada Denmark. waxaanay lacag ku bixisaa sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaana aan uga mahad naqaynaa cilaaqaadka fiican ee ay nala leeyihiin. “ Safiirka dalka Denmark u fadhiya Kenya Geert Aagaard Andersen, ayaa waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen madaxweyne Siilaanyo sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Denmark waxaana uu tilmaamay in ay Somaliland ka taageeraan xaga dhaqaalaha oo ay kaalin muuqata ku leeyihiin sanduuqa horumarinta Somaliland, islamarkaana ay sii wadi doonaan barnaamijyada horumarineed ee Somaliland gaar ahaana xoolaha nool ee Somaliland u dhoofiso dalka Saudi Arabia . Safiirku waxa kale uu xusay in dalka Denmarkdoor muuqata ku leeyihiin wadahadalada u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Somalia,waxaana intaasi ku la dhay in Somaliland ay ka taageeri doonaan xaga doorashooyinka, diwaangalinta codbixiyeyaasha iyo adeegyada lagu horumarinayo Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...