Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeer kadis ah ku sameeyay xafiisyadooda Hargeysa

Date:

Hargeisa (Wargane News):- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay kormeer kadis ah ku soo maray xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo kormeerkaasi ka dib xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa guud ahaan shaqaalaha wasaarada maaliyada ee kala duwan kula dardaarmay kordhinta dakhliga dalka bisha Ramadaan ee bilawga ah, isaga oo kula dardaarmay in ay dar-dargeliyaan shaqadda.Waxa kale oo wasiirku shaqaalaha wasaarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fadaa’isha bisha Ramadaan.

C/casiis Maxamed Samaale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa bil barakaysan oo Illaahay uu umada Islaamka ah ku galaday fadaa’isha ku jirta haddii ay soon tahay iyo haddii ay salaada tahay, waxaan shaqaalaha wasaarada iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliand ku hambalyaynayaa bisha barakaysan ee Ramadaan.Shaqaalaha wasaarada maaliyada meel ay joogaanba waxaan leeyahay ha laga faa’iidaysto fadaa’isha bisha barakaysan ee Ramadaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay shaqaalaha in ay laban laabaan shaqadda ay qaranka u hayaan.

“Waxa kale oo aan leeyahay shaqaalaha wasaarada maaliyada Illaahay ha idinka abaaliyo shaqada maaliyada ee aad umadiina u haysaan, waxaa kala oo aan idin kula dardaarmayaa in bisha barakaysan ee Ramadaan aad kordhisaan dakhliga wasaarada ee bisha Ramadaan.waad ogtihiin oo bisha Ramadaan waa bil cibaado, waa bil shaqo oo waad ka warhaysaan dadkeenu bishaa Ramadaan waxaa kordha xoolo dhoofinta iy guud ahaan shaqooyinka shaqaalaha waxaan farayaa inay libinlaabaan dadaalkooda oo bishaa ay wasaarada soo galaan dakhli wanaagsani oo aad kordhisaan saacadaha shaqada ee aad bulshada u shaqeynaysaan, waxaan maanta soo kormeeray xafiisyada wasaarada maaliyada Hargeysa guud ahaan shaqada wasaaradu si fiican ayay uga socotay xafiisyadaas aan maray dhamaantood waxaan ku adkaynayaa in guud ahaan shaqaalaha wasaaradu ay bishaa dadaal dheer sameeyaan” ayuu yidhi wasiir Samaale.

Waxaana dhici kara in uu meelaha qaar dakhligoodu yaraado, sida cashuuraha aynu ka qaadno qaadka, oo bisha Ramadaan cunistiisu yaraato, waxaa jira meelo badan oo uu dakhligu kordho bishaa Ramadaan.

Wasiirku waxa kale oo uu kula dardaraamay guud ahaan shaqaalaha wasaarada maaliyada inay Alle ka cabsiga bisha Ramadaaniyo shaqadaba ka faa’iidaystaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...