Waddo Ay Degmada Allaybaday Yeelataa Door Wayn bay Ka Qaadan kartaa Horumarka Degmadaasi

Date:

Degmada Allaybaday oo ka mid ah Degmooyinka Hoos yimaada Gobol Waynaha Gabiley ,Isla Markaana  u jirta Magaalada Gabiley qiyaasi dhan 42 km kana xigta dhinaca Koonfur Bari ee Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia, Sidoo kale  Allaybaday waa Dagmo Taariikh wayn ku leh Wakhtigii Halgankii dibu Xoraynta Dalka ee Xoogagii SNM kasoo qaadatay kaalin mug leh oo isla markaana ka mid ahayd meelihii ay Gobolnimo ay u aqoonsanaayeen Madaxdii Ururkii Xaq u dirirka ee SNM. Hadaba  Allaybaday waxa  Degmo loo magacaabay 2002 iyada oo noqotay Dagmo derejedeedu tahay D, Iyada oo uu waqtigaa u Magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum M.I.Cigaal, taasoo runtii ahayd mid aan u qalmin Darajada D balse u qalantay B waayo marka loo eego Xeerka Maamulka Gobolada iyo Degmoyinka Dalka Xeer No: 23/2002, Qodobkiisa sadexaad(3), oo waajibinaya shuruudaha loo eego magacaabida Gobolada/Degmooyinka dalka oo kala ah
1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda uguyaraan, waxa Marag ma doon ah in Degmooyinka Somaliland ee ay Allaybaday ka mid tahay kuwa tirada yar ee buuxiyay Shuruudahaasi Xeerku waajibiyay, dhanka kal e Degmada Allaybaday Waxa ay ka Mid tahay Degmooyinka Xukuma Dhulka ugu bada nee Degmo Xukunto, waxa ay Maamushaa dhawr iyo labaatan Tuulo oo dhamaantood ah Xoolo Dhaqato iyo Beera lay, Siddoo kale Degmada Allaybaday waxa ay hormood ka tahay Waxsoosaarka Dalka iyada oo Khudaarta ay soosaarto lagasoo doonto Meelo badan oo dalka ah iyo Dalalka jaarkaba sida Jabuuti iyo Puntland, iyo Ismaamulka Soomalida Ethiopia, sidoo kale Degmada Allaybaday Waxa ay leedahay Ganacsiga Sayladda Xoolaha, oo Cashuur badani ka soo xerooto, Sidoo kale Degmada Allaybaday waxa ay Caan ku tahay Balayo Waawayn oo aan Dhaam Gu’ iyo Jiilaaltoona, kuwaasi oo wakhtiyadii hore looga faa’idaysan jiray waraabka Xoolaha oo Kaliya balse xiliyadan danbe loo badalay in looga Faa’idaysto Waxsoosaarka dhinaca Khudaarta Joogtada ah. sidoo kale Degmada Allaybaday waxa ay horumar ka gaadhay dhinaca Waxbarashada oo ay muddadii Degmonimo loo aqoonsaday ay ka hirgaleen in la dhiso ku dhawaad labaatan Iskuul oo ay ku jiraan Dugsigii sare, iyo Dugsi loogu tallo galay Hoy(boarding) oo laga dhisay deegaanka Xidhinta.
Hadaba Degmada Allaybaday oo Masaafo 42 afartan KM. ah u jirta Magaalada Arabsiyo oo leh Laamay,  ama ay Marto Wadda Galbeedka qabataa,  ayaa muhiimado badan oo dhinacyo badan leh  u leh Degmada Allaybaday iyada oo ay  dhibaato culus ay ka haytay Bulshada Ku dhaqan Deegaankaasi waddo la’aanta haysa Degmadaasi oo keentay in ay dhib fara badan ku qabaan dadwaynaha Degan Degmada Allaybaday taasi oo keentay in ay Dadwaynaha Reer Allaybaday Guddo iyo Dibadba ay bilaabaan talaabo horumar leh oo ah siddii ay Allaybaday u yeelan lahayd Waddo iyada oo Nasiib wanaag Ilaahay u rumeeyay Himiladoodii ahayd in ay Waddo usameeyaan Allaybaday taasi oo Shalay oo ay Taariikhdu ahayd 16/06/2014 ay si rasmiya uga bilaaban Samayntii Waddaasi Tuulada la yidhaahdo Xidhinta oo Qiyaas ahaan 30 km u jirta Magaalada Allaybaday, iyada oo waxbadan ka badali doonta Guud ahaan Magaalada Allaybaday oo xiliiyada Roobaada ay Baabuurta iyo dadkuba kala kulmi jireen dhibaato badan iyo godoon una horseedi doonta in ay Magaaladaasi oo ahaan jirtay Magaalo Ganacsi ay marlabaad soo noolaato.
Hadaba Waxaan gabagabadii u soo jeedinayaa dhamaan Bulshada kasoo Jeeda Degmadda Allaybaday Gudo iyo Dibbadba in ay sidaa fiican ee ay u bilaabeen u dhamaystiraan Waddaasi oo qofkii ka qayb qaata uu liibaanayo aakharo iyo Aduunyaba,

Wabilaahi Towfiiq.’

Qalinkii; Ismail A Hilqad.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...