Somaliland Oo Magacawday Wakiil U Fadhiyi Doona Dalka Turkiga

Date:

Hargeysa (Wargane News):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,ayaa maanta magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Turkiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ,ayaa Digreeto Madaxweyne waxaa uu ku magacaabay Cali Axmed Cismaan (Tuuhe) inuu yahay Wakiilka Somaliland u Fadhiyi doona Dalka Turkiga.

war-saxaafeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.ALLAA MAHAD LEH.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...