Wefti Culus Oo Hargeysa Qarsoodi Ku Jooga

Date:

Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Qadar ayaa toddobaadkan dalka soo gaadhay,kuwaas oo si hoose ku soo gallay,waxaana la sheegay in ay qaabishay Xukuumadda Madaxweyne Biixi,isla markaana  ay dejisay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ma jiro war amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Xoggahan oo Wargeyska Waaberi ka helay diblumaasiyiin oo ku sugan Magaalada Hargeysa iyo bariga dhexe oo u dhuun-daloola socdaalka waftigan,ayaa tibaaxay in dawlada Qadar ay hadda ku hawlantay sidii ay Xidhiidh ula samaysan lahayd Somaliland, waxaana la sheegay inay weftigan yihiin kuwo u yimi sidii loo unki lahaa heshiis-yo dhex-mara Somaliland iyo Qadar

Geesta kale, waxa xoggahani markii u horraysay fasiraad ay ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo socdaalka weftiga miisaanka leh ee reer Qadar ee dalka soo gaadhay,waxaanay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ka helleen casuumad rasmi ah,isla markaana ay Xukuumaddu iyadu lahayd qorshaha ay ku yimadeen

Dhanka kalene weftigan oo degan Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,isla markaana ay amaankooda si weyn u sugayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inay inta ay dalka joogaan ay kullamo la yeellan doonnaan Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa,isla markaana ay bookhan doonnaan Magaalada Berbera

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid gacan saar siyaasadeed iyo iskaashi la yeellaynaysa Dalka Qadar, maddaama oo aanay muddooyinkii dambe aanu fiicnayn xidhiidhka imaraadka Carabta iyo Somaliland.

@Wargeyska Waaberi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...