Jabuuti Oo Ka Jawaabtay Eeedaha Farmaajo

Date:

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in dhammaan rakaabka saaran diyaaradda Turkiga ee ku xannibnayd Jabuuti lagu celin doono dalka Turkiga. Waxa ay Xukumadda Jabuuti sheegtay in aanay wax lug ah ku lahayn arrinta ku saabsan muranka Madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya Mr Fahad Yaasiin,

“Dhammaan rakaabka saaran diyaaraddii maanta ee Turkiga waxa lagu celin doona dalka Turkiga si loo saaro duulimaad Muqdisho ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo arrintan kaga hadlay boggiisa Twitter-ka.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ay been abuur yihiin wararka ku aaddan in khilaaf u dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, islamarkaana ay barbar taaggan yihiin walaalahooda Soomaaliya.

“Jabuuti wax lug ah ama door ah kuma laha arrintan.Duulimaadku wuxuu sii marayay Jabuuti waxaana loo diiday in uu Muqdisho ka dego, marka waxaanu Turkish Airline u sheegnay in ay dhammaan rakaabka ku celiso Turkiga (iyada oo Fahad Yaasiin ku jiro),” ayuu yidhi wasiirka Dhaqaalaha ee Jabuuti Ilyaas Dawaale oo Horndiplomat u warramay.


Wasiirrada u hadlay Jabuuti ayaa ku dooday in aanay wax lug ah ku lahayn arrintan islamarkaana ay ixtiraamayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Djibouti Strongly Denies Allegations by villa Somalia
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dawladda Jabuuti ku eedeeyay in ay la taliyaha amniga ee Farmaajo Mr Fahad Yaasiin ku xannibtay madaarka Jabuuti.

Arrinta duullimaadkan ayaa loo arka mid ku sal leh khilaafka Farmaajo iyo ra’isal wasaare Rooble.

Sayruuqnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...