Guddida aan Somaliland Dawlad Deegaanka Wax laga waydiin Guddi Af Soomaali maaha

Date:

W/Q Siyaasi Cali Guray

Akadamiga Afka Soomaaliga ee ay gaarkeeda u samaysatay Dawladda Somalia maaha mid ay ku wada qasban yihiin inta ku hadasha Af Soomaaliga oo dhami. Waa loo baahan yahay in uu jiro Akadamiga Afka Soomaligu oo wuxu muhiim u yahay ilaalintiisa, qoraalkiisa, iyo weliba horumarintiisa balse kaasi ma noqon karo kan la sheegayo ee guddidiisa ay magacawday Wasaaraddan HTS ee Somalia gaarkeeda. Hadii iyadoon aan heshiis lagu ahayn Muqdisho Akadamigeeda gaar u samaysato Soomaalida kale wax u diidaya in iyaguna kuwooda ay gaar u samaystaan ma jirto saw maaha? oo markaa Hargeysa, Jigjiga, Jabuuti iyo weliba Gaarisa ay iyaguna kuwooda gaarka yeeshaan. Markaa sida uu Af Ingiriisigaba loo kala yidhaa, English English, American English, Jamaican English iwm in Afka Soomaaliguna uu noqdo maaha? Taasi anigu in laga fiican yahay baan u arkaa. Hadii Af Soomaaliga loo danaynayo Hargeysa ama Jigjiga ayaa ugu mudan in mid xaruntiisa dhexe ay noqoto waayo xuddunta Af Somaaligu waa Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland. Gudida Af Soomaaliga ee aan labadaa wax laga waydiin maba noqon karto guddi la odhan karo Guddida Afka Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...