“Mudane Xildhibaan, haddii lacag laguula yimaaddo ogaw waa tii laga ururiyey dadkii ku soo doortay,”

Date:

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa mudaneyaasha la doortay ee Golaha Wakiillada uga digay in ay xukumaddu ku xodxodato Adduun lacageed iyo dano shakhsi ah si ay codkiisa ama taageeradiisa u hesho maaddaama hadda lagu hawlan yahay doorashada hoggaanka Golaha Wakiillada.
Qoraal xoghayuhu soo saaray ayaa u dhigan sidan:
“Waxa aynu la wada soconnaa in doorashadii inoo dhacday 31-kii MAY ay shacbiga reer Somaliland doorteen Gole Wakiilo oo mucaarad ah, waxaa Xildhibaannada cusub shacabku ugu codeeyeen in ay la xisaabtamaan Xukuumadda, in ay soo saaraan miisaaniyad isu dheeli tiraysa Gobollada dalka, in ay ka shaqeeyaan hore u socodka shuruucda dalkeenna.
Xukuumaddu waxa ay heshay oo codkii shacabku siiyay u goysay 30 Xildhibaan oo KELIYA. Cid kasta oo isku dayda in ay Shir-guddoon aan mucaarad ahayn soo saarto waxa ay inqilaabaysaa oo ay afduubeysaa codkii Shacbka, waxa ay xagal daacinaysaa isla xisaabtankii xukuumadda, waxa ay dabraysaa himilladdii Umaddani lahayd.
Mudane Xildhibaan, haddii lacag laguula yimaaddo ogaw lacagtaasi waa tii laga ururiyey dadkii ku soo doortay, marka laga yimaaddo in ay xaaraan tahay oo cadaab lagu mudan karo, waxa ay noqonaysaa lacag laga xaday dadkii ku doortay oo waddo loogu samayn lahaa oo adiga lagugu iibsaday, Ilaahay idamkii fili maayo in uu jiro Xildhibaan damiirkiisu sidaas u dhintay oo dadkii soo doortay ee bacadka isu taagay wixii laga soo xaday u hunguroonayaa in uu jiro sinnaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...