Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Date:

WAR-SAXAAFADEED:: 01/12/2020 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

 

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...