Shirkadda Dahabshiil Oo Mashiin Ogsajiinta Dhaliya ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland ku wareejisay mashiinka sameeya neefta (Ogsajiinta). Mashiinkan oo wata qalabkiisa oo dhammaystiran ayaa qayb ka ah ballanqaadyadii shirkadda Dahabshiil kaga qayb galaysay kor u qaadida adeegga caafimaadka ee lagaga gaashaamanayo Corona Virus.

Cabdi Faarax Axmed oo ka mid ah guddida sare ee Dahabshiil Group ayaa munaasibadda lagu wareejinayay mashiinka waxa uu ka sheegay sida ay shirkadda Dahabshiiil uga go’an tahay ka qayb qaadashada baahiyaha bulshada gaar ahaana xilligan uu jiro COVID 19 “ Maanta shirkadda Dahabshiil Group waxa Sharaf weyn u ah in qalabkii ay hore u ballanqaadday qaybihii ugu muhiimsana mid ka mid ah aanu maanta halkan ku wareejinayno oo ah Mashiinka dhaliya hawada ogsajiinta,” ayuu yidhi Mudane Cabdi Faarax.

Waxa uu sheegay in mashiinkani wax weyn ka tari doono baahida dhinaca ogsajiinta ee dalka “Mashiinkani wuu ka duwan yahay mashiinnadii hore waa mashiin aad u qaali ah, waa mashiin maalintii soo saari kara 50 ilaa 80 xabo(cylinder), waxa uu ka kooban yahay sideed qaybood oo waaweyn; gumbure-soor oo ah ka hawada soo qabanaya, ka hawada ogsajiin u bedelaya (oxygen generator), oxygen tanks, beebab badan oo isku xidhmaya, mid qalajinaya (dryer), mashiinka dhaamminaya haamaha, 75 xabo oo yaryar (Oxygen cylinders), saacadaha lagu xidho oo 80 xabo ah intaas ayuu ka kooban yahay qalabkan, waxaana u iman doona Injineerro Turki ah oo qaladii aynu ka soo iibsanay ah kuwaas ayaa rakibaya oo Dahabshiil keenaysa,” sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdi Faarax.

Dr Maxamed Cabdi Xirgeeye agaasimaha wasaaradda caafimaadka ayaa agabka caafimaad ka guddoomay shirkadda Dahabshiil si weyna ugu mahadceliyay “Waxa Sharaf weyn noo ah in aanu shirkadda Dahabshiil Group ka guddoono qalabkii ay ballanqaadeen wakhtigii xaaladda degdegga ah dalka ka dhacday, ballanqaadyadii ay sameeyeen shirkadda Dahabshiil Group dhammaan way wada fuliyeen, waxa ay hore noogu wareejiyeen agab kala duwan oo ay ka mid yihiin mashiinno, ambalaasyo, waxa ay hore noogu keeneen mashiin dhaliya Ogasjiinta oo Burco la dhigay, maantana waxay nagu wareejiyeen mashiin weyn oo casri ah oo dhaliya Ogsajiinta,” Sidaas ayuu yidhi agaasime Xergeeye.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in mashiinkani wax weyn ka tari doono baahida dhanka Ogsajiinta ee dalka “Mashiinkani waxa uu waxweyn ka tari doona baahidii ogsajiin ee guud ahaan waddanka oo dhan, gaar ahaan meelaha ay dadka ogsajiinta u baahan aad ugu badan yihiin ee Hargeysa iyo agagaarkeeda iyada oo gobolladana laga saacidi doono sidii loo gaadhsiin lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Xergeeye.