Somaliland: Madaxweyne-Xigeen Saylici Oo Ka Tanaasulay Tartankii Kursiga 4aad Ee Hoggaanka KULMIYE

Date:

Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil saylici ayaa ka tanaasulay tartanka kursiga 4aad ee hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu kula tartamayo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Ma jiro war rasmi ah oo uu mudane saylici ku xaqiijiyay tanaasulkan, laakiin warar xogogaala oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxweyne-xigeenka iyo odayaal beeshiisa ka oo jeedaa oo xalay kulan la yeeshay madaxweyne Biixi ay u sheegeen in markii ay arrimo badan eegeen ka dib ay go’aan ku gaadheen in madaxweyne-xigeenku ka tanaasulo tartanka kursiga hoggaanka KULMIYE, waxaana la filayaa in madaxweyne-xigeenka iyo xubno ka tirsan hoggaanka KULMIYE ay maanta qabtaan shirjaraa’id oo ay ku xaqiijiyaan in madaxweyne-xigeenku tanaasulay.

Wasiirka ganacsiga wasiir Saajin ayaa muddooyinkan dambe waday tartan adag oo uu doonayay inuu madaxweyne-xigeen Saylici kula tartamo kursigaas, laakiin wuxuu hadda u muuqdaa inuu meel cidlo ah ka helayo kursigaas oo bilaa tartan ah.

Waxa faashil ku dhammaaday dedaalo badan oo laga dhex waday madaxweyne-xigeenka iyo wasiirkiisa oo la doonayay in la isugu soo dhaweeyo oo wasiirka ganacsiga lagu qanciyo inaanu la tartamin madaxweyne-xigeenka ee uu u tunaasulo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...