Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Degdeg Ah

Date:

Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Degdeg Ah
Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa BBC-da u sheegay in ayaxa oo ku degay deegaanno badan oo dalka ah uu khatar ku yahay wax soo saarka beeraha ee wadanka.

Waxaa jira walaac ku aaddan in khatarta ayaxa aan la xakameyn doonin ka hor xilliga uu dalaga soo go’ayo oo ku beegan horraanta bisha afaraad.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ayaxa uu yahay kii ugu badnaa ee ku dega Soomaaliya iyo Itoobiya 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in ayaxa uu khatartii ugu ba’neyd muddo 70 sano ah ku hayo dalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya.

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika uga dhawaaqa xaaladda degdegga ah ee ku aaddan ayaxa.

Khubarada ayaa sheegaya in sababo ammaan awgeed aan diyaaradaha lagu buufiyo cayayaankan lagu adeegsan karin gudaha Soomaaliya.

Ayaxa ku habsaday Bariga Afrika ayaa la rumaysan yahay inuu ka soo kacay Yemen oo uu ka soo tallaabay Badda Cas. Roobabkii xoogganaa ee da’ay dabayaaqadii 2019 ayaa la rumaysan yahay inay saacideen faafidda ayaxa.

Cayayaankan ayaa la sheegay in maalintiiba uu jari karo masaafo dhan 150km, uuna midkiiba cuno karo dalag dhan culeyskiisa jireed.

Bishii December, ayax ku degay garoon ku yaalla Itoobiya ayaa sababay in halkaa ay ku degi weydo diyaarad rakaab siday. Diyaaradda ayaa markii dambe ku degtay garoonka caasimadda Addis Ababa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...