Somaliland: “Dawladda Muqdisho Waxaan Leenahay Wali Waanu Xasuusanahay Wixii Ina Kala Gaadhay, Midnimo Dambe Ma Jirto Ee Aynu Ahaano Laba Dal Oo Jaar Ah”

Date:

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay iska ilowdo midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay reer Somaliland weli xasuusanyihiin dhibaatadii iyo xasuuqii loogu gaystay midnimadaas.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliya weynu kala tagnay,maantana waxaynu kala nahay laba dal oo jaar ah, oo kala dawlad ah, oo kala duwan, oo kala qorshe ah, haddii aynu wada hadlanayna waxaynu ku wada hadlayna laba dal oo la kala yidhaahdo Somaliland iyo Somaliya, balse kuma wada hadli karno Maamul iyo Dawlad,Dawladda Muqdisho ka talisaa waa ku gef inay Somaliland maamul ku sheegto, waana u ayaan daro inay inkiraan dawladnimadayada, Dawladda Muqdisho waxaan leenahay wali waanu xasuusanahay wixii ina kala gaadhay midnimo dambe ma jirto ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah,xasuuqii dadkayaga loo geystay, iyo cadaadiiskii nala baday niyadaydaa kamay bixin ee ka baxa riyada aad ku jirtaan, ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah, dawladnimo dambe oo inaga dhexeeysanaysa ma jirte”.

Mar uu ka hadlaayey khilaafka la xaliyey ee Doorashada iyo Komishanka ayaa wuxuu Suldaanku yidhi “Inaynu mar kasta gacmaha is qabsano, oo aynu xalino khilaafaadka hadba inagu soo kordha ayaa wanaagsan, khilaafka muddada dheer taagnanaa in la soo af jaro aad baan u soo dhaweeynayaa”.

Suldaanka ayaa soo dhaweeyay heshiiska Ceelafweyn, waxaanu yidhi  “Heshiiska laga gaadho colaada Ceel-afweyn, ee lagu heshiisiyey labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn waan soo dhaweeynayaa, waana u ducaynayaa walibana, waxaana ugu ducaynayaa in aanay mar dambe is layn”.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...