Somaliland: Chief Caaqil Rashiid Jaambiir Oo Ka Hadlay Nabadda Ceel-Afweyn

Date:

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka Somaliland ee qaybta ka ah heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn, ayaa labada Beelood ee wada dega Deegaankaas, ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska, kana dheeradan wax kasta oo ku keenaya colaad dambe, oo dhex marta.

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Ceel-afweyn ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay“Boqolkiiba boqol meel fiican ayey hadda wax marayaan, ALLE ayaana nas inoo soo rogay, rajo weyna ayaan ka qabaa in aanay colaad dambe ka soo noqon doonin Ceel-afweyn, heshiis dhamaystiran oo la isku af gartay wuu dhacay, qodobo lagu wada kalsoon yahayna waa la soo saaray, waxaan se labada Beelood leeyahay dantiinu waxay ku jirtaa idinkoo ilaaliya walaaltinimadiina, wada dhalashiidana iyo wada jirkiina,maxaa yeelay idinka ayaa isku deegaan ah, idinka ayaa isku ood ah, oo is huran, cid iska kiin xigtaana ma jirto, ee labada beelood ee Ceel-afweyn waxaan leeyahay heshiiskaas aad wada qaadateen waligiin ilaaliya, oo fidno dambe iyo colaad dambe yaanay dhicin insha allaaha, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ALLE saxanaad iyo khayr ha siiye cid kasta oo ka qayb qaatay heshiiska labadan Beelood ee walaalaha ah”.

Wuxuu caaqilku hadalka ku soo gunaanaday “If iyo akhiraba naxariista ALLE weynu u baahan nahay, ee ALLE mar kasta waxaynu ka baryeynaa naxariistiisa iyo khayrkiisa inuu ina siiyo, Suldaanka iyo dadkeena xanuunsanayaba waxaan ugu ducaynayaa inuu ALLE caafimaad siiyo, xanuunkana ka dulqaado”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...