Somaliland: Gudidii Taakulaynta Beledweyne Ee Somaliland oo gaadhay Muqdisho, iyagoo deeq culus sida

Date:

Guddoomiyaha ruugta ganasiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo ah gudoomiyaha gudidii taakulaynta Baladweyne ayaa dalka Somaliya ula dhoofay lix boqol oo kun oo doolar oo loogu talo galay dadkii dhibaatadu ay ka soo gaadhay fatahaada wabiga.

Gudidan ayaa u duceeyay cid kasta oo gacan ka gaysatay qaadhaankan, waxaanay uga mahadnaqeen madaxweynaha gacanta uu ka gaystay ururinta deeqdan, waxaanu Jamaal Caydiid oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa uu sheegay sidan “ Halkan waxaanu ku joognaa gudidii taakulaynta Baladweyne mudo bil iyo badh ah ayaanu wadnay hawshaas waanu soo gabogabaynay, waxaanu u safraynaa Muqdisho kadibna Baladweyne hawshaas waxaanu ugu mahadnaqaynaa xukuumada JSL oo uu ugu horeeyo madaxweynaha, waxaanu u ducaynaynaa ganacsatada Somaliland waxaanu u ducaynaynaa intii masaajidada kaga dartay aduun waan u ducaynaynaa, Soomaali meel kasta oo ay caalamka kaga nooshay markay cid wax ku yimaadaan cida kale ee la walaalaha ahina waa ay u gurmataa, hore ayaan u samaynay oo waa ay inoo gurmadeen oo waan u gurmanay Baladweyne waa markii labaad ee ay Somaliland gacan u gaysato.”

Waxa uu ku dhawaaqay qaadhaanka ay sidaan“ Aduunka aan la safraynaa 600,000 kun oo doolar oo aan ugu talo galnay masiibadaas ka dhacday Baladweyne, waxaana jira xoogaa Somaliland hore uga baxay oo ahaa markii degdegii ay wax dhaceen taas ayaa naga sii horaysay,daahidaas aanu dib u dhacnayna khayarbay leedahay oo maanta ayay wax taraysaa oo waxii kala miirmeen maanta ayaa la garanayaa ciday wax u tarayso.”

Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa u mahad naqay Madaxweynaha, waxaanu ku tilmaamay deeqdan Baladweyne mid ay labada shacab ee walaalaha ay isku leeyihiin inay is taageeraan wakhtiyada adag.

Gudidan taakulaynta Baladweyne ee Somaliland ka tagtay ayaa madaarka Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaanay halkaas uga sii gudbi doonaan magaalada dhibaatadu ay ka dhacday ee Baladweyne.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...