Somaliland: Faysal iyo Cirro oo go’aansaday inay aqbalaan kulalnkii Madaxweyne Biixi ee ay hore ugu gacansaydheen Waxa ay aqbaleen

Date:

Madaxweyne Biixi la kulmaan si loo fuliyo qodobadii guddiga dhexdhexaadinta

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa xaal ka siiyay shacbiga Somaliland muranka asxaabta mucaaradka ah iyo xukuumada ee ay ku daaleen, waxaanu si rasmi ah u shaaciyay inay aqbaleen go’gashii madaxweynaha si looga tashado sidii loo fulin lahaa go’aanadii la wada qaatay ee gudida dhexdhexaadintu ay soo saareen. Faysal ayaa markii uu go’aankan ku dhawaaqayay waxa garab taagnaa guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-cirro.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadlay kadib markii isaga iyo masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ay ku kulmeen xarunta xisbiga Ucid, isla markaasna ugu danbayntii uu warbaahinta la hadlay guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay yidhi “ Waxaan iska nahay doqon nasiib badan oo waxaad moodaa in dhanka wanaaga ay imika arimuu inoogu socdaan, gudidii soo gaadhay xalka iyadana waanu u mahadnaqaynaa, dawladii aqbashayna waanu u mahadnaqaynaa, dadkii taageerayna waan u mahadnaqaynaa, waa wax lagu faani karo waxay muujisay dhaqankeenii ahaa inaan inagu waxeena dhamaysano, waxa ay guul inoogu tahay iyada oo aanay beeshii caalamku inoo iman inaan waxeenii dhamaysanay, Somaliland waxay u baahantahay inay socoto inay horumar keento ayay u baahantahay inay shaqo abuurto ayay u baahan tahay oo dhalinyaradeedii waad ogtihiin niyad jab weyn ayaa ku dhacay,waad ogtihiin Xamar ayay ku dawarsadaan intay xidhaan calankii ina garaacay, waxa ka xumaatay niyadii shacbigana waad ogtihiin maanta 80% guryaheena wax laguma kariyo dhaqaalahii hoos ayuu u dhacay, meheradii waa ay kaceen maxaa yeelay hadaan wadanku socon oo dawladu shaqayn oo aan gacmaha lays qabsan waa uu istaagayaa, waxa uu dalku ku fiican yahay in mucaarad iyo muxaafidba danta guud laga wada shaqeeyo.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay“ Sidaanu hore idiin sheegnay inaan ogolaanay go’aankii oo ah furaha horumarka iyo horusocodka dalkeena, madaxweynuhu waa kii gogasha sameeyay bisha 14-keedii waataanu nidhi ilaa arintu dhamaato la kulmi mayno, madaxweynuu waxa uu ku celiyay inay go’gashii fidsantahay waxaanuna idiin sheegaynaa inaan ogolaanay oo aanu doonayno in madaxweynaha aan la kulano oo aan kala hadli doono sidii go’aankaas la gaadhay ee aan wada ogolaanay sidii loo hirgalin lahaa, shacbiga Somaliland-na waxaanu leenahay markale xaal ayaanu idin siinay ma gaydaan in laysku kiin dul qabsado ma gaydaan in layskula kiin dul meeraysto.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...