Dawlada Masar oo indhaha ku haysa ciidamada badda ee Itoobiya ee saldhigoodu noqonayo Djibouti

Date:

Masar waxay 137-ka dal ee duniga ugu quwada badan kaga jirtaa kaalinta 12aad, halka ay Itoobiya kaga jirto 47

Dawladda Masar ayaa indhaha ku haysa dhismaha ciidamada badda ee Itoobiya oo la sheegay in saldhigoodu noqon doono biyaha dalka Djibouti. Masar ayaa ciidamada badda ee Itoobiya loo dhisayo iyo saldhiga ay ka samaysanayaan badda cas waay u aragtaa mid la doonayo in lagu bedelo indhihii Masar ee ku jihaysnaa biyo xidheenka Itoobiya.

Dawladda Masar, ayaa inkastoo aanay xukuumadu si rasmi ah uga hadlin arrintan, haddana wargeyska Al Monitor ayaa sheegay in dawladda Masar ay si dhow ula socoto talaabooyinka ay Itoobiya ku dhisayso ciidankeeda badda oo ay saldhig uga samaysan doonto badda cas.

Inkastoo aanay dawladda Masar war rasmi ah ka soo saarin saldhiga ciidanka badda ee Itoobiya, haddana dawladda Masar ayuu wargeyska Al Monitor qoray inay si dhow ula socoto talaabadan dawladda Itoobiya qaadayso ee ay ku dhisayso ciidanka badda.

Maj. Gen. Hatem Bashat, oo ka tirsan Baarlamaanka Masar, xubina ka ah guddiga arrimaha Afrika ee Baarlamaanka Masar, ayaa u sheegay wargeyska Al Monitor, in dawladda Masar ay ka soo horjeedo talaabo kasta oo uu sheegay in lagu waxyeelaynayo ammaanka qaranka ee badda cas ama isku day kasta oo ay Itoobiya ku doonayso inay ku bedesho culayska Masar ay ku hayso biyo xidheenka Itoobiya, wuxuuna sheegay in guddigoodu baadhayso arrintan oo uu tilmaamay inuu saamayn toos ah ku yeelanayo Masar iyo ammaanka dalalka Carabta, isagoo xusay inay arrintan iska kaashan doonaan wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan.

Mr. Bashaat, wuxuu wargeyska u sheegay in dawladda Masar ay awood milatari oo dhaxal gal ah ku leedahay jiidda Bada cas, oo ay ilaalin karto ammaanka dalalka Carabta.

Maj. Gen. Jamal Mazloum, oo isna ah khabiir la taliye u ah machadka ciidamada Masar ee Nasser High military Academy, ayaa wargeyskan u sheegay inuu ruumaysanyahay inaanay talaabada Itoobiya dhib lahayn oo aanay doonayn inay dagaal la gasho dalka Masar, wuxuuna sheegay in Masar marka laga hadlayo cududa ciidanka ay ka awood badantahay Itoobiya, “ciidanka Masar wuu ka awood badanyahay dhiggooda Itoobiya’ ayuu yidhi Gen. Jamal.

Wargeysku, wuxuu sheegay in xarunta Global Firepower ee la socodka cududa ciidamada dunidu ay kala saraynta ciidamada dunida Masar kaga jirto kaalinta 12aad ee 137-ka wadan ee duniga ugu awood badan, halka ay Itoobiya kaga jirto 47

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...