Soamliland: Komishanka Cusub Oo Guddoomiye Doortay Iyo Xubinta Kaliyaata Ee Xisbiyda Mucaaradka Kaga Jirta Gudiga Oo Ku Tilmaamay Gacan Rimis Doorashadaas

Date:

Komishanka doorashooyinka ee cusub ayaa ayaa guddoomiye u doortay Eng.Cabdirashiid Riyo-raac, waxaanay kala wareegeen xilkii komishanka komishankii afraad ee mudo xileedkoodu dhamaaday.

Guddoomiyaha komishanka hore Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa xisaabaadka iyo guud ahaan hawlaha komishanka waxa uu ku wareejiyay komishanka cusub, waxaana labada gudoomiye ay halkaas ka jeediyeen khudbado kooban.

Xasan Yuusuf Ducaale xubinta komishanka ugu jirtay xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa dhankiisa sheegtay inay doorashada hogaanka komishanku ay gacan ku rimis tahay, waxaanu sheegay inay adag tahay xaalada dalka iyo xisbiyada loo xaqsoorayaaba.

Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo halka ku wareejinaayay komishanka cusub waxa uu yidhi “ Waxa farxad noo ah shan sano kadib in komishankii doorashooyinka qaranka ee afraad uu xilka ku wareejinaayo komishankii shanaad ee qaranka kaas oo ah sunaha iyo hanaanka sharci shantii sanadoodba mar la badalo komsihanka Somaliland, sharaf ayay noo tahay inaan maanta idinku wareejino xilkii.”

Intaas kadib waxa uu ku wareejiyay dhamaan xisaabaadka komishanka “Miisaaniyada komishanku uu ku shaqeeyaa waa laba miisaaniyadood labadaas miisaaniyadood ee uu ku shaqeeyana midi waa ta sanadlaha ah midna waa ta doorashada ama diiwaangalinta, waxaanu idinku wareejinaynaa akoonadii miisaaniyadas, kow akoona Dahabshiil ee lacagta qalaad ee adag waxa idiinku jira 5551 doolar Akoonka Dahabshiil ee gudaha waxa idiinku jira isagana 707 doolar, akoonka 174 waxa idiinku jira 279,511,701 SL, Akoonka ku xiga oo ah Daarasalaam bank 2208 Doolar.”

Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo loo doortay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa dhankiisa halkaas waxa uu ka sheegay “ Komishanka qaranka ee xilka nagu wareejinaaya insha allaah horana waa looga marag kacay oo xisbiyo iyo dawladaba waa ay ka marag kaceen anaguna maanta markhaati ayaanu ka nahay in komishan shaqo wanaagsan soo qabtay oo soo shaqeeyay oo shahaadooyin ku qaatay aad tihiin, aniga oo ka wakiil ah komishanka cusub waxaanu alle ka barayaynaa oo balan qaadaynaa aadami intaanu ku nahay inaan tacabkiinu khasaarin, inaad ku ididiilootaan shaqada aan qabano, in aan ka lixaad ku qadano shahaadooyinkiina kuwo ka badan oo u sii gudbino.”

Xubinta xisbiga Ucid uu ku lahaa komishanka Xasan Yuusuf Ducaale ayaa ku tilmaamay doorashada guddoomiyaha cusub mid gacan ku rimis ah“ Doorashada maanta dhacday waxay ahayd mid aanan isku ogayn, waxa noo yimi khamiistii gudidii dhexdhexaadinta waday ee ka shaqaynaysay inay isku keeneen xisbiyada noona gogol xaadhaan sidii hawl u qaban lahayn komishan oo qaran, nasiibdaro wax dhacday doorasho gacan ku rimis ah oo aanan diyaar u ahayn oo saaka [shalay] uun bilaabmatay waan fadhiyay oo maan ka bixin laakiin majoorati ayaa la noqday oo waa nalaga batay, allena waxaan uga rajaynayaa qarankan iyo dalkan inuu ku soo dabaalo xasilooni iyo nabadgalyo anigu ninkaas odayga ah shaqsiyan uma diidani Cabdirashiid Riyo-raac ee guddoomiyaha noqday laakiin waxa weeye yaanu u xaqsooraynaa cidaanu u xaqsoraynay waxay ahayd sadexda xisbi qaran iyo shicib weynaha Somaliland, hadii markaas aanay xisbiyada qaranku raali ka ahayn waxay noqonaysaa wax aad u adag allena waxaan uga rajaynayaa uun khayar.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...