Deg Deg:- Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle Oo Hada Xabsiga Laga Sii Daayay

21 maalin kadib ayaan goordhoweyd xoriyadaydii dib u helay. Arinta xadhigaygu waxay ahayd baadhis la xidhiidha tuhun hay’addaha nabadgelyaddu ka qabeen safaradaydii Muqdisho. Waxaan u mahadcelinayaa Garsoorka Somaliland oo xoriyadayda isoo celiyay markii ay soo idlaatay baadhistu ee laygu waayay dembiyadii aan ku eedaysnaa.

Waxaan boogaadinayaa qof kasta oo ka xumaaday xadhigaygaa, Waxaan tilmaamayaa in muwaadin kasta oo hay’adaha wardoonkeenu tuhmaan xaq loogu leeyahay in uu maro baadhis tan lamid ah.

Ururka Solja, Xukuumadda, hay’adda xuquuqul iinsaanka iyo Xisbiga Ucid waxaan uga mahadcelinayaa dhaqdhaqaayadii ay xoriyadayda ku baadigoobayeen.

Mahadsanidin.