Somalia: Qorshe La Doonayay In Xabsiga Lagaga Saaro Cabdi Iley Oo Fashilmay Iyo Kooxdii Watay Oo La Qabtay

Date:

Ciidamada ammaanka ee Itobiya ayaa xidhay dad doonayay inay xabsiga kala baxsadaan Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jidhdil, barakicin, gooba ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xidhiidha.

Haddaba wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo soo xigtay ila xog ogaal ah ayaa shalay qoray in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa iney Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga kala baxsadaan xabsiga.

Ragga la qabtay ayana la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniinti la soo dhaafay marka Cabdi maxkamadda laga soo celiyo inay falkooda fuliyaan.

Afaafka hore ee xabsiga uu Cabdi Max’uud Cumar uu ku xidhan yahay ee Qaaliti oo ay shaqsiyaadkaasi gaadhi dhigteen ayay askarta Tiraafikadu  ka dalbadeen iney meesha ka dhaqaaqaan, balse raggi gaadhiga watayna waa ay diideen amarka ay askartaasi siiyeen, ciidamada oo gaadhiga ka shakiyey ayaa damcay inay baadhaan, laakiin kooxdii ayaa la sheegay inay askarta rasaas ku fureen.

Dhowr ka mid ah dadki howlgalkaasi qaybta ka ahaa inkasta oo ay baxsadeen haddana waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen intooda badan oo ay haweeney ku jirto.

Xilliga ay arrintan dhaceysayna Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu eegayey.

Wargeyska waxa kale oo uu sheegay in xafiiska xeer ilaalintu sheegay inay dawladu raadinayso ilaa afartan sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Iiley oo baxsad ku maqan oo loo haysto danbiyo kala duwan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...