Somaliland: Xaglatoosiye Oo Faysal Cali Waraabe Hawada U Mariyay Farriin

Date:

Wasirkii hore Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xalo-toosiye), ayaa Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay xal iyo heshiis deg deg ah ka gaadhan Doorashada, waxaanu tilmaamay in Doorashada oo qabsoonta ay danta dalka iyo dadkaba ku jirto.

Wasiirkii hore Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xalo-toosiye), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in sharci laga soo saaro Siyaasiyiin uu sheegay inay aflagaado u gaystaan beelaha, waxaanu ugu horayn yidhi “Inagu Ictiraaf doon ayeynu nahay, danteenuna waxay inoogu jirtaa Doorashada oo inoo dhacda, balse dadka iyo dalkaba dani uguma jirto Doorashada oo dib u dhac ku yimaado, maantana Caalamku wuxuu aad u xiisaynayaa inay Doorashadu inoo qabsoonto, ee waxaan odhan lahaa Doorashada qaabkii ay ku dhici lahayd ha laga wada shaqeeyo oo ha la iska kaashado”.

Wasiirkii hore Caafimaadka mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa wuxuu yidhi “Inta aynu inagu isku maqan nahay, ee aynu kolba wax iska sheegayno Somaliyana way inagu soo maqan tahay, ee waxaa dadkeena looga baahan yahay inay hurdada ka kacaan oo ay isku duubnadaan, oo meel uga soo wada jeestaan Somaliya, Dawladda Somaliyana waxaa looga baahan yahay inay ka feejignaado inay soo faragashato arimaha Somaliland”.

Isagoo ka jawaabaya hadal uu sheegay inuu Eng, Faysal Cali Waraabe ku duray Beelaha Daarood ee dega Soomaaliya, wuxuu yidhi “Waa in sharci xakameeya laga soo saara Siyaasiyiinta wax ka sheegaya reeraha iyo qabiilka, maxaa yeelay reero dhan ama qabiil dhan oo aan waxba kugu samayn, oo sheekh iyo shariifba leh haddii aad wax ka sheegto wax meesha yaala maaha, waana khalad weyn, tusaale ahaan Faysal Cali Waraabe wuxuu wax ka sheegay reerka Darood la yidhaahdo, waliba Daroodka dega Koonfurta, iyadoo aynu ognahay in Gobolada Bari uu Darood dego, sidaas darteed dadku iyagoo isku qabiil ah, ayey haddana kala deegaan iyo dal yihiin, tusaale ahaan anigoo ah darood, harti ka sii ah, dhulbahanta ka sii ah, waxaan ahay Somaliland, waxaana jecel ahay horumarka iyo aqoonsiga dalkayga, Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay aniga sharaftayda maaha inaan Isaaqa Itoobiya dega wax ka sheego, adigana waa kugu khalad inaad wax ka sheegto daroodka dega Koonfurta, maxaa yeelay dadku way wada degan yihiin, Somaliland waa la wada degan yahay, waxaa degan Madigan, Darood, Isaaqa, Samaroon, Ciise iyo Beelo badan oo kale, Beelaha Harti ee degan Somaliland, waa dad muwadiniin ah, oo Somaliland-nimadu, dhab ka tahay, oo waliba Faysaloow Somaliland ka jecel, ee Faysal Cali Waraabe malaa adiga cid ka jecel Xamar ma jirto ee haddii ay kaga dhegto inaad Darood mar walba wax ka sheegto godob ayaad gashan doontaa Daroodka Somaliland kula dega, ee adigana sharaf iyo karaamo kuma ah inaad reeraha wax ka sheegto ee aad uga taxadir inaad mar dambe aad wax ka sheegto Beesha Darood”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...