Somalia: Qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Date:

Qarax ayaa ka dhacay goor dhow dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida waxaa sheegay goobjoogayaal.

Ma cadda nooca qaraxa, balse qof ka tirsan shaqaalaha xarunta gobolka ayaa sheegay inuu maqlay dhawaqa qaraxa, xilli uu ka sii baxayay.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xarunta gobolka, xilli uu halkaa shir uga socday guddoomiyaha gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.
Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan,waxaana dhismaha gobolka gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo ciidammo ka tirsan kuwa amniga.
Ciddi ma sheegan mas’uuliyada qaraxa. Wuxuu ku soo aadday xilli saacado ka hor uu booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xarunta gobolka Banaadir oo aad amnigeeda loo ilaaliyo waxay ku taalla degmada Xamar weyne, waxaana ku dhow dhismayaal ganacsi.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...