Somaliland: Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhey Ceerigaabo

flag waving in the wind against the blue sky Somaliland

Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Inkasta oo aan taliyuhu ka hadal socdaalkiisa haddana Ilo xogogaal ah ayaa ii sheegay in taliyuhu halkaas u tegay dhamaystirka wadahadala Odayaasha Sanaag gadh wadeenka ka yihiin ee la doonayo in lagu heshiisiiyo xukuumadda Somaliland iyo taliyaha Jabhadda samaystay ee kornayl Siciid Cawil Caarre.

Comments

comments