Caasimada Labaad ee UK Oo Aqoonsi Caalamiya Siisey Somaliland

agaalo madaxda labaad ee dalkan Boqortooyada Ingiriiska Birmingham City, ayaa maanta aqoonsi Caalami ah siisey Jamhuuriyadda Somaliland.

Gollaha degaanka ee Birmingham City, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey inay Jamhuuriyada Somaliland u aqoonsada dal madax-banaan oo ka mid ah dalalka caalamka. Waxaanay noqoneysaa magaaaladii 3-aad ka mid ah magaalooyinka UK ee aqoonsi caalami ah siisa Somaliland, iyadoo hore ay u aqoonsadeen golayaasha degaanka ee Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlet.

Go’aanka golaha degaanku qaateen waxa uu ku yimid dedaal ay sameeyeen Jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Birmingham City iyo sumcada Somaliland ay beesha caalamka ku kasbatey oo ka dhigtey shamac ka dhex ifaya mandaqada Bariga Afrika.

siisa aqoonsi caalamiAqoonsiga ay Birmingham City

Waa , magaalada labaad ee Britain, oo Somaliland maanta aqoonsi caalamiya siisay.

Comments

comments