Somaliland: Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday TV-yada Eryal Iyo Horyaal

Xukuumadda Somaliland ayaa ayaa waxa ay shaacisay inay xayiraadii ka qaaday TV-yada Eryal iyo Horyaal.

Xukuumadda Somaliland oo ay hore u xayirtay labadan telefishan ee kala ah Eryal iyo Horyaal, balse waxa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan la doonayay in lagu xaliyo arrintan, waxaana socday wada-hadalo u dhexeeyay xukuumadda iyo mulkiilayaasha labada Telefishan.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka JSL ayaa hore u cambaareeyay xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL waxa ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday.

Comments

comments